Su'aallo aan jawaab u waayey

by

 

A'kum

Malin ayaan anigu oo ku jeeda jamacad aan dhiganayey ayaan waxaa meeshii Busaska laga raacayey kula kula wiil arday ah oo udhashay wadanka aan waxkabaranayey,ka tib markii aan isbaray ayuu i waydiiyey su'aashaan"Abdullaw, Madaxwayna wadankiina maxaa layiraahdaa". Tallo ayaa igu cadaatay waxaan ugu jawaabi lahaa inankaas, Tolow maxaad ku tiraahdaa baan is iri?, ma waxaad ku tiraahdaa, Ma Cali Mahdi mise Ina Caydiid, Ma Cabdullahi Yusuf mise Ina Cigaal,Ma ina Masale mise Shatiguduud, warkeebaad magaciisa un sheegtaa ayaan is iri ileen dhamaantood mid waliba Madaxwayne ayuu sheegtee, anigoo wali jawaabtii su'aashii hore goob goobaya ayuu tulabaad ii raaciyey oo iyiri,"waxaan umalaynayaa in madaxwaynihiinu magaciisu mid un ahaa Moi ama Zanawi" markii uu intaas yiri, ayaa qiira igashay anigoo leh sideebuu maanta u ronkaraa Moi mise Zanawi baa madax idiin ah,anigoo is diidsiinaya sida runtu tahay oo ah in ay iyagu somaliya xukuman sitoosa iyo si aan toos ahaynba.Balse ugu danbayntii waxaan ka fursan waayey in aan iraahdo Madaxweyne malihin wadankayaguna dowlad malahayn muddo ku dhow toban sanno. markii aan itaas ushegay buu i waydiiyey" mesha ma dadbaa ku nool mise dugaag, sidee toban sanno dowladla'aan ugu nooshihiin?mide kale yaa kuu sameeyey basaboorka aad wadankaan ku soo gashay haduu yahay Somali Passport?asagoo wajigiisa ay ka muuqato layaab sida ay ku dhacday arintaas, anigoon wali ugu jawaabina su'alihiisii danbe ayaa waxaa nooyimid nooyimid Bus kii aan sugayn halkiibaanan ku kala tagnay. Sidaadaraadeed war yaa igu caawinaya su'alahaas jawaabtooda oo marar badan igu soo noqnoqday anigu waan waayeye?



Posted on Feb 4, 2000, 3:23 AM

Respond to this message

Goto Forum Home

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement