Return to Index  

MAXAA KA SOO BAXAY SHIRKII MAALMAHAAN KA SOCDAY TUULADA HAABARE

September 16 2001 at 5:51 PM
BAYDHABO PRESS 

 

MAXAA KA SOO BAXAY SHIRKII MAALMAHAAN KA SOCDAY TUULADA HAABARE

BAYDHABO16/09/2001(Reeghaytimes)12kii Bishii September 2001 ayaa waxaa shir loo wada dhan yahay lagu qabtay magaalada Haabare ee ka tirsan gobolka Bay, shirkaas oo uu tegay guddoomiyaha ururka RRA Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud) maalintii xigtay ee taariikhdu ku beegneyd 13ka September 2001. oo looga wada hadlayay in lagu soo afjaro khilaaf u dhexeeyey labo dhinac oo ka tirsan maamulka sare ee RRA. Guddigaas oo uu hogaaminayay Malaaq Mukhtaar Malaaq Xasan ayaa dhegeystay doodda labada dhinac iyo cabashooyinka ay kala tabanayeen.

Dood iyo falanqeyn kadib, waxaa la soo saaray go'aan ah in muddo afar bilood kadib la isugu yimaado shir ay u dhan yihiin dhamaan waxgaradka, aqoonyahanada, culimaa'udiinka, haweenka Digil iyo Mirifle kuwooda dalka Jooga iyo kuwa dibada joogaba si loo doorto hoggaan cusub iyo maamul cusub oo xor ah dadkuna ay isku wada raacsan yihiin.

Shirkaas oo u furmi doona 1da February sanadka 2002 ayaa ay soo saareen shir guddoonkii shirkaasi guddoominayay in ay ka soo qeyb geli karaan dhamaan inta aan kor ku soo xusnay iyo goob joogayaal caalami ah.

Shirkaas waxaa lagu soo xaliyey wixii khilaaf ah iyo mad madow ah oo ka dhexeeyey maamulka sare ee RRA waxaana lagu wada gaaray heshiis buuxa.

inkastoo ay jiraan kuwo dano gaar ah wata oo aan si toos ah u horistaagi karin Odayaasha dhaqanka ee degaan kaas hoos madaxa u raariciyay oo aan ku qanacsaneyn go'aamadaas halka dad goob joogo yaalka oo halkaas joogay oo wargeyska u sheegay in lagu heshiiyay inaan la heshiin leysna diririn.

qaarkii ka mid ahaa Gudiga fulinta ee gadoodsanaa ayaa iyagana qalad kooda qaatey , waana laga ogolaadey, waxaana markiiba la go'aansadey in ay ku soo noqdaan xubinimadooda inta laga gaarayo shirweynaha qaran ee la doonayo in lagu dhiso Dowlad u gaar ah dad yowga digil & Mirifle.


(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement