Hoggaamiyayasha kooxaha Somaaliya maxay ka qabaan baaritaan la xiriira xadgudubyadii ka dhacay dalka.
BAYDHABO Sep 29, 2001(BP)- Muddo haatan laga joogo hal bil ayaa waxaa dalka Somaaliya boqasho ku tegay sarkaalka ay Jamciyadda Qaramada Middobay u xilsaartay ilaaalinta iyo dabagalka xadgudubyadii iyo tacadiyadii ka dhacay Somaaliya Mr. Ghanim Al-najaar, wuxuuna la kulmay kooxaha siyaassada isaga soo horjeeda ee Somaaliya.
Hogaamiye kooxedyada ayaa inta badan waxay mujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in la bilaabo baaritaanka la xiriira xuquuqda ban'aadamka iyo xadgudubyadii loo geystay shacabka Somaaliyeed, waxaa isku hadal noqday siyaasiyinta ay ka midka yihiin Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud], Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, C/laahi Yusuf iyo Mxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo si goni goni ah ugu sheegay Mr. Ghanim Al-najar in aysan waxba ka qabin in la sameeyo dabagalka ku saabsan baadigoobka cidii ka danbeysay xasuuqyadii iyo tacadiyadii ka dhacay dalka waxay kale shegeen in ay ahaayeen dhibanayaal dadkooda la dhibaateyay.
Waxaa arintaas ka soo horjeestay hoggaamiyaha kooxda Carta Cabdiqaasim Salaad oo sheegay in ay u taalo shacabka Somaaliyeed wuxuuna sii raaciay in ay Somaali diyaar u tahay in ay iscafiso oo aan loo baahnayn waxbaaritaan ah. Waxaa dad badan ay shegeen in sabata uu Cabdiqaasim u diiday in ay Jamciyadda Qaramada Midoobay ka bilowdo Somaaliya baaritankaas lana furo maxkamad ay tahay isaga oo rumeysan in cida la baarayo oo loo jeedo in ay tahay amase u badan yihiin beesha uu Cabdiqaasim ka soo jeedo iyo isaga oo haatan bilaabay xasuuqyo loo geysanyo shacabka Somaaliyeed. Mr. Ghanim Alnajaar ayaa warar ku dhow dhow waxay shegeen in ay ku noqotay la yaab sababta uu hoggaamiyaha kooxda Carta cabdiqaasim uga soo horjeestay baaritankaas.
(BAYDHABO PRESS)
|