Gudiga Fullinta Ururka RRA oo markii labaad shir aan caadi ahayn isugu yimid
Maanta waxaa markii labaad shir isugu yimid guddiga fullinta ururka RRA oo ay u dhamaayeen xubnihiisa.
Shirkaan oo looga hadlayey ajandayaal badan ayaa waxaa ugu waaweynaa sidii wax looga qaban lahaa arrimaha aminga iyo sidii looga hortagi lahaa waxa loogu yeerey kooxda carte.
Shirkaan waa markii labaad ee ay si buuxda isugu soo horfariistaan xubnaha ugu cad cad guddiga fulinta iyo hogaanka ururka oo dhowaantan u muuqda kuwo si buuxda u dhameeyey khilaafaad u dhaxeeyey.
Dhinaca kale waxaa tuulada buulo Barako laga soo qabtay nin lagu magacaabo Sheekh Qaasim oo dhowaantan isagoo FM-yada wareysi siinaya Sheegtay inuu yahay guddoomiyaha RRA-da ee loo doortay iyo laba nin kale oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Dheere & Mad Samaan.
Ololaha nimankaan lagu soo xirxiray waxaa hor kacayeen masuuliyiinta kala ah Aadam Maxamed Nuur saransoor, Ibraahim Kiish bur iyo kuwo kale oo badan.reeghaytimes
(BAYDHABO PRESS)
|