Return to Index  

Cambaarayn loo jeediyay heshiska la sheegay in ay wada gaareen Beelaha dega gobolka Sh. Hoose

October 5 2001 at 3:19 PM
BAYFDHABO PRESS 

 

Cambaarayn loo jeediyay heshiska la sheegay in ay wada gaareen Beelaha dega gobolka Sh. Hoose

BAYDHABO Oct 5, 2001 (BP)- Maamulka Carta ee uu hoggaamiyo Cabdiqaasim Salaad ayaa todobaadkan sheegay in ay heshisiyeen sida ay hadalka u dhigeen Beelaha wada dega gobolka Shabeelaha Hoose ayna damacsanyihiin in ay maamul goboleed u soo dhisaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Hadaba waxaa arintaas cambaareyey kuna tilmaamay waxba kama jiraan maamulka Ururka RRA, Beelaha Digil iyo Mirifle ee dega gobolka Shabeelaha Hoose iyo Jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee dibadda, waxayna ugu baaqeen Kooxda Carta in ay faraha kala baxdo arimaha guduha ee Qowmiyadda Digil iyo Mirifle iyaga oo sheegay in Ummadda Digil iyo Mirifle ay dhulkooda ka difaaci donaan gardarada qaawan ee kooxda Carta, waxay kale oo u digeen xubnaha Digil iyo Mirifle ee ka tirsan kooxda Carta ee raba in ay gataan dhulkooda in ay la kulmi donaan cawaaqib daro ay u dheertahay magac iyo taarikh xumo.

Waxaa kale oo baaqaas lagu sheegay in kooxda Carta ay ku guul dareysan doonto maamulka ay sheegtay in ay ka dhisi doonto gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana loogu baaqay hoggamiyaha kooxda Carta Cabdiqaasim in uu maamul u sameysto gobolka uu ka dhashay ee Galgaduud.


(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement