Return to Index  

SHIRAR IS DABA JOOG AH OO AY YEELANAYEEN GUDDIGA FULINTA EE URURKA RRA

October 12 2001 at 10:16 PM
BAYDHABO PRESS 

 
SHIRAR IS DABA JOOG AH OO AY YEELANAYEEN GUDDIGA FULINTA EE URURKA RRA

BAYDHABO OCT 12, 2001 (BP)-Shirar is daba joog ah oo ay yeelanayeen maalmihii aynu ka soo gudubnay ururka RRA oo looga doodayay ajendaha guud ee guddiga fulinta ayaa shalay lagu ansixiyey saddex qodob kadib markii cod loo qaaday qodobadaas.

Ajendayaashaas sida weyn looga dooday ayaa ugu kululaa qodob ku xusnaa go'aanada oo loogu magac daray qeexidda qaabka shaqada, waxaana hoosta laga xariiqay in xubinta guddiga fulinta aysan qaban Karin xil ka baxsan guddinimada, haddii ay qabatana ay ku weyneyso xubinimadeeda Guddiga Fulinta.

Ajandayaashaas oo ka koobnaa siddeed qodob waxaa la ansixiyey saddexdan qodob ee soo socota:-

1. Toosinta iyo turxaan bixinta maamulka.

2. Dhameystirka arrimaha nabadgelyada.

3. u diyaar garowga dowlad goboleed ay yeeshaan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka.

Saddexdan qodob oo mid walba leeyahay farqooyin ka soo hoos baxa ayaa la ansixiyey, hase yeeshee waxaa haray ajendayaashii guud ee guddiga fulinta iyo shan qodob oo waaweyn oo ay ka mid yihiin dar dar gelinta xoreynta gobolada maqan iyo arrimaha bulshada.

Qodobadaas oo ay ka dhursugayeen dadka Digil iyo Mrifle meel walboo ay joogaan ayaa ka mid ah howlaha haatan ugu culus ee hor yaala Guddiga Fulinta ee ururka RRA.


DEEQ IDAACADEED OO LA SOO GAARSIIYEY RAADIYO BAYDHABA Maamulaha Raadiyo Baydhabo. Mud: Sharif Huseen Robow.

Deeq Idaacadeed tii ugu horeysay ayaa soo gaartay isteeshinka Radio Baydhaba ee magaalada Baydhabo. Jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee degan dalka Sacuudiga ayaa qalab warbaahin ugu deeqay idaacadda Radio Baydhaba. Deeqdaas oo isugu jirtay 2 amplifier, Labo raadiye oo waaweyn, labo yar yar iyo hal Microphone, iyo Deeq Lacageed. Xaflad qalabkan lagu guddoonsiinayay maamulka idaacadda ayaa daraad ka dhacday xarunta Idaacadda, waxaana agaasimaha idaacadda Guddoonsiiyey deeqdaasi masuul lagu magacaabo Shariif Gashiin oo ay u soo wakiisheen jaaliyadaha. Wareejinta deeqdaasi waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay dhamaan shaqaalaha Idaacadda iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada, waxaana meeshaasi ka hadlay maamulaha idaacadda Shariif Xuseen Roobow isagoo faahfaahin ka bixiyey waxqabadka Idaacada iyo taariikhdii ay soo martay, wuxuuna mahad celin iyo amaan u soo jeediyey dhamaan jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee ku kala nool dunida dacaladeeda, gaar ahaan jaaliyada Sacuudiga oo iyadu deeqdaas bixisay. Sidoo kale, waxaa meeshaasi ka hadlay Shariif Gashiin oo ku hadlayay magaca jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee dalka Sacuudiga wuxuuna amaan iyo dhiiri gelin u soo jeediyey bahda saxaafada ee ka howlgasha gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Sh/Hoose, isagoo u sheegay in ay mar walba la garab taagan yihiin wixii taageere ah haddii ay dadaalkooda sii wadaan, waxaa kaloo jaaliyadaha kale loogu baaqay in ay ku daydaan jaaliydda sucuudiga oo ay wax ka qabtaan adeegyada guud sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo waliba saxaafadda oo kaalin weyn kaga jirta bulshada caalamka. Gebagebadii xafladaas waxaa si lama filaan ah kormeer howled ku yimid guddoomiye ku xigeenka labaad ee ururka RRA Mr. Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta ee ururka RRA .


ROOBAB LIXAAD LEH OO KA DA'AY MAGAALADA BAYDHABO… Roobab lixaad leh ayaa ka da'ay magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda habeenimadii sabtidii aynu ka soo gudubnay. Roobabkan oo socday muddo saddex saacadood oo xiriir ah ayaan jirin wax qasaare ah oo illaa iyo hadda ay geysteen. Sidoo kale, roobabkii guga ee sanadkii la soo dhaafay ayaa baaqday ama aan si fiican u di'in., waxaana la dareemayay saan saan abaareed. Hase yeeshee roobabka hadda bilowday ee Dayrta ayaa aad u farax geliyey dadweynaha waxaana shucuurta beeraleyda laga dareemayay rajada ay ka qabaan beerahooda sanadkan iyo yididiilo weyn ee ay u hayaan in ay aaran noqon doonaan. Dhanka kale, tuulooyinka dadka dega ayaa waxay ku soo qulqulayaan magaalada ayagoo ka soo cararayay kuleyl biyo la'aan ah iyo raashin la'aan. Welina ma jirto cid isku howshay in ay wax ka qabato arinta dadka sida weyn ugu soo siqaya magaalada.



SADDEX SARKAAL OO… Hay'adda horumarinta ee Qaramada Midoobey UNDP ayaa maamulka RRA soo gaarsiisay Fiisooyin ay magaalada Roma Siminaar kaga qeyb galayaan saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska ee gobolada Bay & Bakool. Saraakiishaas oo kala ah: Taliyaha Saldhiga Deg. Baydhabo G/sare MaxamedYare Sheekh Maxamed Rooble, Aadan Duudishe, oo ah Waaxda CID-da iyo taliye ku xigeenka Nabadsugidda degmada Baydhabo Mr. Maxamed C/raxmaan. Saraakiishan oo qeyb ka ah saraakiil ay hay'adda UNDP siminaar ku saabsan ciidamada ugu fureyso magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa kale oo wehliya saraakiil iyaguna ka kala socda gobolada Puntlad & dowladda la magac baxday Somali Land, waana mashruuc ay hay'addu ugu tala gashay saraakiisha gobolada Nabdoon ee dalka Soomaaliya. Saraakiishan oo manta ka duulaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxay sii marayaan magaalada Hargeysa oo xarun u ah hay'adda UNDP halkaas oo ay uga gudbi doonaan magaalada Nairobi si ay ugu kicitimaan magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Reeghay times

(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement