Return to Index  

siyaasadda Soomaalidu waxay ku saleysan tahay reer guraanimo aan sal fadhiista laheyn

October 12 2001 at 11:02 PM
BAYDHABO PRESS 

 

siyaasadda Soomaalidu waxay ku saleysan tahay reer guraanimo aan sal fadhiista laheyn

Aqristow qoraalkan waxaan ku qadaa dhigeynaa aragtida guud ee laga qabo xaaladda Soomaliya ee ay maanta mareyso. Laga soo bibaabo 1960 kii ilaa iyo maanta waxaad arkeysaa in siyassada Somaliya looga wada hadlay siyaabo kala duwan oo qofba sida uu jecelyahay uga hadalayo,xaqiiqdana laga run sheegi waayey, taa soo sababtay in weli xarig jiidkii uu socdo.

Aqristow sida aan lawada socono ka soo bilow 1960 kii ilaa iyo maanta waxaan mareynaa sideed(8)ama sagaal(9)madaxweyne mid sharci iyo mid aan aheynba, hadaba meesha waxaa ka cad in siyaasadda Soomaalidu ay ku saleysan tahay Siyaasad reerguuraanimo oo aan sal fadhiista laheyn. reerguuraagu waxay jecelyiin in ay xoolo badan lahaadaan oo mar walba uu midba midka kale ka roonaado, sow lama oran karo siyaasada soomaliya waxay taagan tahay tii 1960 kii waayo waxaa kuu markhati ah in aney haba yaraatee aan ku soo kordhin wax isbedel ah oo la arki karo, oo aan aduunyada meelna kala socon.

Tusaale ahaan waxaan arkeysaa in qofka lagu tixgeliyo qalafsanaan, xoolo badni oo aan lagu tixgelin sumcad karti iyo wax qabad kiisa heerka uu gaarsiisin yahay, sidii ka dhacday shirkii Jabuuti mana la, is weydin yaa wax tari kara maanta, waxaa la adeegsaday tii reer guuraaga oo maanta meel ay u socoto iyo meel kale la garan la,yahay kuwii meesha lagu doortay waxay ka kooban yihiin dad aan xog ogaal aheyn iyo kuwo wadanka mar hore danbi ka galay iyo kuwo dhac bareer ah geystay mid shaqsi iyo mid Qaran. Runtuse waa run Beentuna waa been. waxaa daliil kugu filan sanad ka hor Shacbiga noloshoodu sidey aheyd hadana sida ay tahay, Hadii ay run wadan lahaayeen runta way gaari layaayeen lakiin hada waxaa cadaatay in ay dhexdooda isku qiiqayaan oo aan wax run ah aan la imaanin. Aqristow qoraalkeyga waxaan ku soo geba gebeynayaa Been Roortay Run magaarto.

W.Q. Siciid Xaji
Saeedhagi@hotmail.com



 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement