Return to Index  

Galeyr: Xamar waxaan ka bartay war la yiraahdo ninkii Cirka soo duminaya, meesha uu kagalo ayaan..

October 14 2001 at 10:00 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Galeyr: Xamar waxaan ka bartay war la yiraahdo ninkii Cirka soo duminaya, meesha uu kagalo ayaan ana ka galayaa

moqdisho Oct 14, 2001 (BP)-Ra’isul Wasaaraha Dowladda KMG ee Carta Cali Khaliif Galeyr ayaa eedeyn kulul u jeediyey Madaxweynaha KMG Ee Carta C/qaasim Salaad & Guddoomiyaha Baarlamaanka Carta C/lla Deerow Isaaq.

Cali Khaliif wuxuu ku sheegay waraysi uu bixiyay Warkii uu C/lla Deerow ka sii daayay BBC-da ma ahayn mid uu ku dhiiran karo kaligiis, waxaana aaminsanahay in uu la ogaa C/qaasim” ayuu yiri Cali Khaliif oo sheegay in weerarka siyaasadeed ee isaga lagu hayo lagu doonayo in xilka looga qaado, ayna C/qaasim & Deerow lug ku leeyihiin, sababtuna ay tahay in ay helaan cid aniga igaga dhego nugul oo waxay doonaan ay ku shuban karaan, maadaama aan anigu ahayd Nin sharciga & axdiga ku adadag.

Warar Muqdisho iga soo gaaraya oo dad aan ku kalsoonahay aan ka helay ayaa sheegaya in Lacago fara badan la faraqayo oo Jeebka lagu shubanayo” ayuu yiri Cali Khaliif. Anigu diyaar waxaan u ahay in la xisaabtamo, baarlamaanka hortiisa lagu xisaabtamo Cabdalle Deeroow Buugiisa Baarlamaanka La hordhigo, Cabdiqaasim buuggiisa la hordhigo, Buuggeyga la hor dhigo, laakiin anagaa waxaan keensanaynaa xisaab gooni ah oo jeeg gooniyaan keen sanaynaa oo waliba anigoo dalka ka maqan taa uma arko....muddadii waxaa nooga hartay sanad iyo xoogaa haddii wax la dhoodhoobi karo ahlan wasahlan, haddii la leeyahay..."Xamar waxaan ka bartay war la yiraahdo ninkii Cirka soo duminaya, meesha uu kagalo ayaan ana ka galayaa" ayuu Galayr ugu maahmaahay ragga ay ishayaan. Haddii La xisaabtamayo xoogaa Gaasinimo ah iyo Kalsooniya ay Jirto oo Qofku isagoo Xaadir ah lala xisaabtamo laakiin markaan magaalada ka soo baxaba in barnaamijkan iyo fikrad kale lala soo baxo waa mid la yaableb ayuu Galayr yiri.

Mar la waydiiyay inuu filayo in inta uu dalka ka maqan yahay in xilka laga qaado wuxuu Cali Khaliif Galayr ku jawaabay inuusan jirin wuxuu taas kula yaabayo. Mar uu ka hadlayay Galayr socdaalka uu ugu sii jeedo Mareykanka ayuu sheegay inuu sii wadanayo, walow aan maqlay warar sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda uu tagayo Mareykanka, balse socdaalkeyga waa mid sharciga ku qotoma..., meesha (UN-kuna) ma aha Makhaayad iska furan oo cidii rabtaaba iska soo galayso ayuu ku soo gabagaboobay waraysigii Cali Khaliif Galayr. Allpuntland.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement