Return to Index  

Ra,iisul Wasaaraha DKM Cali Khalif Galayr oo hal dhagax labo shimbirood ku wada dilay.

October 27 2001 at 5:15 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Ra,iisul Wasaaraha DKM Cali Khalif Galayr oo hal dhagax labo shimbirood ku wada dilay.

MUQDISHO Oct 27, 2001 (BP)- Cali Khalif Galayr Ra,iisul Wasaaraha DKM [kooxda carta] oo todobaadkii la soo dhaafay waraysi siiyay idaacada BBc-da qeybta Af-Somaaliga ayaa erayada uu isticmaalay waxay ahaayeen kuwo la oran karo waxay ahaayeen sidii hal dhagax oo loo adeegsaday in mar kaliya lagu wada dilo laba shimbirood.

Cali Khalif waxaa uu sheegay in codka la sheegay in lagala noqonayo kalsoonida xukumada uu madaxda ka yahay ee laga soo xigtay guddomiyaha golaha baarlamaanka DKM Cadalla Deerow Isaaq ay tahay wax uusan ku dhiran karin Mr. Deerow ee ay tahay arin uu Cabdiqaasim Salaad oo jecel in uu la shaqeeyo dad uu adeegsan karo dabada ka wato oo Deerow uu yahay nin la adeegsanayo.

Wuxuu kalo sheegay in isagu uu yahay nin ku adag maamulka isla markaana dhowra axdigii lagu soo dhisay xukumada Carta ee Jabuuti, isku soo wada duubo wuxuu Cali Khalif ku guleeystay isaga oo isticmaalaya erayo dhowr ah oo aan sidaa u badnayn in uu muujiyo in uu yahay nin daacad ah oo Jecel Somaalinimo isla markaana soo bandhigay in Deroow oo ah guddomiyaha baarlamaanka uu yahay nin aan u madax banaanayn shaqadiisa oo adeege u ah Cabdi qaasim oo uu laf ahaantisu marka la eego hadalada Galayr lagau tilmaamay nin khaain ah oo jecel dad uu u isticmaalo danihiisa gaarka ah ee aan wadaninimo iyo qaran jaceyl midna lahayn.


(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement