Return to Index  

Dowlada Carta kalsooni isuma hayso kalsoonina kama haysto shacabka Somaaliyeed

October 28 2001 at 3:19 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Dowlada Carta kalsooni isuma hayso kalsoonina kama haysto shacabka Somaaliyeed

BAYDHABO Oct 28, 2001 (BP)- Dowlada Carta ee uu madaxda ka yahay Cabdiqaasim Salaad kalsooni isuma hayso kalsoonina kama haysato Ummadda Somaaliyeed, sida uu maanta ku codeeyay baarlamaanka DKM waxaa kalsoonidii lagala noqday Ra,iisul Wasaaraha DKM Cali Khalif Galayr, ka dib markii ay sida la sheegay isaga iyo Cabdiqaasim ay isku mid noqdeen oo labaduba ay ku wada fikreen sidii ay uga faaideysan lahaayeen hantid lagu soo qaado magaca Ummadda Somalaliyeed.

Cali Khalif ayaa damcay in uu qeybtiisa ka qaato xoolaha iyo deeqaha loogu deeqo Somaaliya taasoo uu Cabdiqaasimna rabay nin ka qaata wixii uu isagu u garto isla markaana kaba qaad u ah, isafgarasho la'aanta labadaan nin waxay keentay in kalsoonidii lagala noqdo Galayr arintaas oo sida uu Cali Khalif sheegay uu ka danbeyay Cabdiqaasim, hadaba waxaa maanta cad in DKM ah ama sida inta badan loo wada yaqaan Kooxda Carta aysan kalsooni isu haynin waxaase taas ka sii daran in aysan wax kalsooni ah ka haysan Ummadda Somaaliyeed.

Hadaba riditaanka Cali Khaliif waxa ma ka badelaysaa siyaasadda Somaaliya? Waxay dad badan qabaan in aysan waxba ka badeli doonin ee ay tahay iska horimaad shakhsi ah oo u dhexeeya DKM gaar ahaan Galayr iyo Cabdiqaasim. Xalka dhabta ah waxaa ay dad badan shegeen in la gaari karo marka uu hoggaamiyaha Kooxda Carta Cabdiqaasim Salaad ka tanaasulo shegashada uu sheganayo in uu yahay Madaxweeyne, ka dibna uu miiska wada hadalka la fariisto kooxaha kale isaga oo matelaya kooxda Carta, in kasta oo ay tahay arin aan ka suurtoobin Cabdiqaasim oo kale iyo kuwa la midka ah.


(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement