Return to Index  

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo [Shaatigaduud] oo Itoobiya u ambabaxay

November 1 2001 at 6:08 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo [Shaatigaduud] oo Itoobiya u ambabaxay

BAYDHABO Nov 1, 2001 (BP)-Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Ururka Wax-iska Caabinta Reewin (RRA) Md.Dr. Xasan Maxamed Nur (Shaatigaduud), ayaa ka dhoofay magaalada Baydhabo ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen Dawladda Itoobiya.

Wafdiga la socoday Guddoomiyaha ayaa waxaa ka mid ahaa Md. Danjire C/llaahi Sh. Ismaaciil Md.Xussen Maxamed Faarax (Caydiid), Md. Muuse Suudi Yalaxow,Md. General Maxamed Saciid Xirsi (Morgan) Md.Hiloowle Imaan Cumar, iyo labada Guddoomiye ku xigeen ee Ururka RRAda Md. Sheekh Aadan (Madoobe) iyo Md.Maxamed Ibraahim (Xaabsade) , waxaana halkaas ka qaaday dayaarad qaas ah ee ay u soo dirtay Dawladda Itoobiya.

Safarkan golaha SRRC ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ay Dawladda Kenya wado dadaal lagu doonayo in la isu keeno Md C/qaasim Salaad Xasan iyo inta ka soo horjeeda Dawladdiisa si loo soo afjaro dhibaada daba dheeratay ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah madaxada Sar sare ee golaha SRRC iyaga oo jooga Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in golaha SRRC aanu ka qeybgalidddoonin shirka la sheegay inuu ka dhacayo dhowaan Xaruunta dalka Kenya ee Nairobi sababtana waxay ku shegeen in Md.C/qaasim Saalad Xasan uu wali sheeganayo inuu yahay Madaxawee- -yneaha Jamuhuuridayadda Soomaaliya iyo in Shirka uu maalgelinayo Madaxaweeynaha dalka Liibiya Md.Al-Caqiid Mucamar Al-Qadaafi oo u janjeero dhanka C/qaasim sidaas darted uma socono dalka Kenya ayay yiraahdeen.


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement