Return to Index  

Maxakamadda Sare ee Gobolka Baay oo sii deysay 12 oday dhaqameed

November 1 2001 at 6:16 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Maxakamadda Sare ee Gobolka Baay oo sii deysay 12 oday dhaqameed

BAYDHABO Nov 1, 2001 9BP)-Maxamadda Sare ee gobolka Baay ayaa sii deeysay 12 oday dhaqameed ka dib markii lagu waayay wax dembi ah . Odayaashan ayaa xabsiga loo taxaabay September 25, 2001 markii lagu eedeyay in ay wadeen falal liddi ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida gobolada Maamulka Ururka Wax-iska Caabinta RRada uu gacanta ku haayo, 9 ka mid ah odayaashan ayaa waxaa lagu qab qabtay Tuulada Qardho oo 35 km u jirta Degmada Buurhakaba iygoo ka yimid dhanka Magaalada Muqdisho 3da kalana waxaa laga qab qabtay Magaalada Baydhabo dhammaantoodna waxaa lagu soo eedayay inay gacan saar la lahaayeen Kooxda Carta.

Arrintu si kastaba ha ahatee odayaasha waxaa maxka-mdda la horkeenay Bishan Octoobar 29keedi,2001. Ka dib markii ay dacawadda socotay qadar daqiiqado ah ayaa Guddoomiyaha maxakamadda Sare ee gobolka Baay Md. Sheekh Barre Cali amray in la sii daayo iyadoo uu goob joog ka ahaa xeer ilaaliyaha guud Md. Cali Iimaan Aadan iyo Dadweeyne aad u tiro badan oo dhageeysanayay Dacawadda .


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement