Return to Index  

WAJIGII 1-AAD EE DOWLADII CARTA OO KU DHAMAADAY (174) Cod IYO (29) Cod

November 1 2001 at 6:19 PM
BAYDHABO PRESS 

 
WAJIGII 1-AAD EE DOWLADII CARTA OO KU DHAMAADAY
(174) Cod IYO (29)Cod

Ayadoo uu ku dhamaaday wajigii 1-aad ee Cayaartii DOWLADA CARTA uu ku dhamaaday(145) cod oo ( ISBAHAYSIGA AWOODA XAMAR ) ee uu hogaamiyo Mr.Cabdul-qaasim Salaad Hasan uu kaga badiyeyey(Horyaalkii Martida Gobolada) ee uu horkacaayey Dr. A.Khaliif Galayr kadib markii uu ISBAHAYSIGA AWOODA XAMAR ( 174 ) cod halka ay ka heleen ( Horyaalkii Martida Gobolada ) (29) cod oo keliya ayadoo finalka Cayaartaasina garsoorihii cayaarta ( Cabdalla deerow isaaq ) farax daraadii asagoo cirka fiirinaya halkaasi kaga Dhawaaqay asagoo dhoola cadeynaya in looga badiyey (Horyaalka Matida Gobolada)145 cod sidaa darteedna uu yiri (Dowladii waa dha'day) ayadoo laga dhadhansanaayey lahjada (Mayga) waloow uu kalsooni buuxda ku qabay inuu si fiican Ugu hadlaayey afka Maxaatiriga.

Waxaan la inkiri karin farxadii & rayn-rayntii wacdarada lahayd ee isla dhex meeraysanaayeen Iyo hal ku dhigyadii Awood & deegaan ku faanka aan kamarneyn ee ay adeegsanaayeen tababarayaasha ( Isbahaysiga Awooda Xamar) aydoo Ay ugu jawaab celinayaan hadalkii uu GALAYR Gudoomiyaha ( HORYAALKA MARTIDA GOBOLADA ) uu ku yiri (CIRKA HADAY SOO DUMIYAAN MEESHAY KA GALAAN AYAAN KA GALAYMAA) ayagoo leh (Xamar baan Ka galnaye Xaafuun Miyaad ka geli, sida la sheegay in uu ka careysiiyey Taageerayaal Ka tirsan Horyaalka Martida Gobolada Oo aan lahayn tabar ay ku muujiyaan caradooda ayaa qaar kamid ah waxay dhaar ku mareen inaan marna laga rayn lahayn Hadii ay cayaartani ayaga marti gelin lahaayeen ama lagu qaban lahaa goob dhex-dhexaad ah , laguna ciyaari lahaa garoonka Kubadda cagta ee DR.AYOUB ee Baydhabo, waxaana hadda noo cadaatay bay yiraahdeen inaan soo galnay (Garoon Gor-gortan & Gardhigasho) toona laga ogoleyn

Mudane ka tirsan barlamaanka kana mid ah Taageerayaasha Hogaamiyaha ( Horyaalka Martida Xamar) ayaa Isna shaaca ka qaaday in ay arintu markii hore ay is bar-bar socotey walibana u soo if- baxeysay in ay ujanjeerto dhinaceena Lakiin niyad jab & cabsi xoogan oo nooga timid dhinaca kale ay ku qasabtay horyaalkeena inay ( guul daro ) saxiixaan intay (geeridooda) saxiixan lahaayen kadib, markay inoo cadaatay buu yiri in la ina soo dul dhigay ciidamadii militeriga xooga Dalka ee u xareysnaa DMG. oo la isugu soo ururiyay (Xaruntii Keydka Shidaalka ) muqdisho iyo ciidan kale oo xoojin Ah oo laga keenay BELEDOOGLE oo ay isku hayb yihiin Gudoomiyaha (Isbahaysiga Awooda Xamar) Cabdi-qaasim Salaad Xasan , kuwaasoo xitaa geedaha korkooda la saaray sidaad BBC -daba aad ku maqasheen, kuwaasoo waliba ku Hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan iyo tikniko Laga keenay ( LIIBIYA, YAMAN & SUUDAAN.) wuxuuna yiri Taasaana ah sababta runta ee Looga Raayey HORYAALKA MARTIDA GOBOLADA.



MUXUU NOQON DOONAA WAJIGA 2-AAB EE DOWLADA CARTA

--------------------------------------------------------------------------------

Ayadoo gefkii aan ka galnay Baydhabo keliya ay tani jaasinteedii tahay kadib markii aan soo Raacnay Hogamiyaha Isbahaysiga Xooga Xamar oo aan maanta (Qafaal) u wada nahay anagoo idil ayadoo aan laga yaabin inaan baydhabo qafaal Iyo marti toona ku noqon lahayn. QOLO aan marti loo noqon karin ayaan marti u noqonay waxaa balan ah inaan qaxooti iyo qafaal qaran toona ku ahaan doonin xamar walow aan cagta la galay wakhti aan walaac & calaalal aan waxba tareynin hadana waa inaan cayma Doontaa ayuu yiri mudane ka tirsan Golaha Barlamaanka Carta oo diiday in magaciisa la xuso.

Mudanahaasi wuxuu intaasi ku daray in Gudoomiyaha ISBAHAYSIGA AWOODA XAMAR uusan ku soo kordhin Doonin wax cusub Wajiga 2-aad ee Dowladiisa Carta , ayadoo uusan heli karin Soomaali kale oo u dhaanta kuwa hadda uu Xamar ku haysto oo aanay haysanin meel ay ku laabtaan , magac & mustaqbal uga soo haray Asaga, iyo asaga oo uu ka Baqanaayo inuu isbahaysigiisa uu ka kala daato haday soo galaan rag cusub oo dareensan inay isku filan yihiin oo aan awood Loogu faani karin , deegankana aan marti cid uga ahayn. ayadoo uu arintaasi kala tashaday Madaxda muqdhisho joogta Gaar Ahaan godoomiyaha kooxda (Baaldi ku xaar) Md.Ali Mahdi Mohamed,wuxuu u balan qaaday in wasiiradiisa daacada u ah Aan midna wasaaradiisa maahee wasiirnimadiis waayeynin, wasiir waji cusubna aan la soo magacaabi doonin una mari doono Xaqiijinta Arintaasi wada kastoo lagu xaqiijin karo ,taasoo si wanaagsan u ga farxisay xubnaha DMG. gaar ahaan gulaha Wasiirada , oo ayagana dhinacooda balan qaaday inay adhiici doonaan aabaha ummada amar kastoo kasoo baxa.


(BAYDHABO PRESS)



    
This message has been edited by moalen on Nov 1, 2001 6:26 PM


 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement