Return to Index  

DOWLADII KUMEEL GAARKA AHAYD EE LAGU SOO DHISAY CARTA OO SAQIIRTAY!!!!!!

November 2 2001 at 3:22 PM
BAYDHABO PRESS 

 
DOWLADII KUMEEL GAARKA AHAYD EE LAGU SOO DHISAY CARTA OO SAQIIRTAY!!!!!!

Waxay ahayd in ka badan hal sano kadib markii kooxo iyo shaqsiyaad Soomaali iyo Jabuutiyaan ahaa, oo kala ujeeda ahaa, ay shir siyaasadeed oo mudo sagaal bilood uga socday magaalada Carte ee wadanka Jabuuti ugu dambaystii ku guulaystay in ay dhisaan dowladaa labaad ee la dhiso kadib markii ay burburtay dowladii Soomaaliyeed ee ugu dambaysay ee uu hogaamiye ka ahaa kaligii taliyihii geeriyooday ee Siyaad Barre.

Aragti ahaan, waa ay wanaagsaneed in dowladaasi dhacdo amaba la dumiyo dhan kastaba haloo maree. Balse waxaa qalad ahaa in ridisteeda ay isku bahaystaan beelo Soomaaliyeed oo kooban, kuwaasoo iyaga qudhooda kala watay ujeedooyin kala kuwan ka lahaa ridisteeda.

Ujeedooyinkaas waxaa ka mid ah, hadii aan tusaale ahaan u soo qaadano beelaha Hawiye ugu waawaynaa ee ka qaybqaatay ridista xukumadii Siyaad Barre ayaa waxaa ka mid ahaa beelaha Abgaal, Murusade, Xawaadle, iyo Habargidir. Beelahaan ayaa iyagu ka simanaa ridista xukunkaas, balse ku kala duwanaa waxa la samayn doono kadib tuurista xukunkaas.

Tusaale ahaan, beelaha Abgaal iyo Murusade ayaa watay qorshe ah in hadii la tuuro xukunka uu Abgaal qabto hogaanka xukumada cusub, xukunkaas oo noqon doono xukun uu Hawiye dhaxal u lahaan doono inta ka dhiman jiritaanka aduunkan aynu ku nool nahay; isla markaan beelaha H/gidir iyo Xawaadle laga siiyo xaqa ay ku leeyihiin dowladaas. Halka wixii ka soo harana loo kala qaybinayo beelaha kale ee Soomaaliyeed ee dagaalka looga adkaaday, amaba aan hubaysneyn.

Balse qorshahaan mid ka duwan ayaa waxaa watay beesha H/gidir, oo ay garab siinayeen beelaha Xawaadle iyo Shiiqaal. Qorshahaas oo ahaa sida soo socota:-

1-In madaxwaynaha dowladda cusub ee Soomaaliya noqdo nin H/gidir, waa Caydiidee.

2-In H/gidir lagu deegaameeyo dhulalka u dhexeeyay labada webi ee Jubba iyo Shabeele.

3-In khayraadka badda iyo berriga ee dhulalkaan ay si toos ah uga faa’iidaystaan dadka u dhashay
beesha H/gidir, ayadoo tan Xawaadlana loo been guurayo.

4- In dadka iska leh dhulalkaan muruqooda iyo maskaxdooda loo adeegsado ka faa’iidaysiga
khayraadyada badda iyo berriga ee degaanadooda; ayadoo kii diidana la dilayo.

5- In maamul beenaadyo loo dhiso degmooyinka Gobolladaan, ayadoo madax looga dhigayo shaqsiyaad sheegta beelaha iska leh degaanadan, balse asalkoodu ka soo jeedo Hawiye.

Balse waxaa nasiib darro ahayd in isla kuwii dhulka boobay, oo ay ka mid ahayd beelaha Xawaadle iyo Shiiqaal, ay ka hor imaadaan beesha H/gidir oo ayado doonaysay in ay wada qabsato dhamaamba dhulka u dhexeeya labada webi.

Beesha Shiiqaaleed ayaa ayadu waxay wadatay qorshe ah in ay lahaato gobolka Jubbada Dhexe, kadib markii ay abaabulatay mooriyaan iyo gawaari toddoba oo tiknikada loo yaqaan, Beesha Xawaadle ayadu waxay gooni ahaan u wadatay qorshe ah in beeshu yeelato degmooyin leh xeeb, Marka iyo Baraawe.

Waana tan dhalisay dagaalkii u dhexeeyay Xawaadle iyo H/gidir kaas oo sababay in xawaadle looga soo saaro dhamaamba dhulalka labada webi, ayadoo looga soo bilaabay dekada Kismaayo, kadibna Baraawe, kadibna Muqdisho ilaa laga qabsado gobolka ay degaan ee Hiiraan. Tanna ay dhaliso in Xawaadle uu duurka ku jiro mudo sagaal bilood ah.

Dagaalkaan kadib waxaa dhacday in ay isbiirsadaan beelaha la jebiyay ee Murusade, Xawaadle iyo Abgaal si Habargidir loo bara kisiyo. Balse tani way fashilmatay kadib markii uu Abgaal ka lug jiiday dagaalkaas.
Bal eeg halkudhigyadan cajiibka leh ee soo socda:-
H/gidir “ waxaan rabnaa dhulka JILCAN iyo DADKIISA JILCAN”, = deegaanada labada webi u dhexeeya.
Xawaadle “ Waa inaan yeelanaa degmooyin xeeb leh”,= Degmooyinka Marko iyo Baraawe. Shiiqaaal “Aakhiro moog”, = Jubbada dhexe yaan layla sheegan.

Ujeejeen “Shilke shanba hayga soo reebee shangaani layla sheega maayo” = Xeerka USC anaa Xoraystay
Hadaba anigoo aan doonayn in aan ku dheeraado qaybtan horu dhaca ah, ayaan waxaan jeclaan lahaa in aan bal dib ugu noqdo dowladan is casishay.

Waxaan kor ku soo sheegay in dowladii siyaad Barre ay dumiyeen beelah Hawiye. Balse su’aasha haatan meesha taala ayaa waxaa ah yaa dilay dowladaan saqiirka ah?
Anigoo tix raacaya hadalo ka soo yeeray mudanayaal iyo wasiiro ka tirsan dowladan la casilay ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladdu gudan wayday waajibaadkeeda, kaasoo ka mid ah in xubnaha baarlamaanka iyo wasiirada qaarkood ay dhaafi waayeen hateellada gudohooda.

Waa run in ay mudanayaashan dibada hoteelka uga bixi waayeen, balse waxaa taas daba socotay in mudana-yaashan ay iska qaadanayeen lacag micno darro ah, ayagoon waxna u qabanayn dowladda.

Haddaba anigoo cabirayo fikradayda ku wajahan arimahan socda ayaa waxaan u arkaa in sabaha keenay in dowladaan dhicisto ay tahay sababahan soo socda:-

1- Ayadoo lagu degdegay dhismeheeda kadib markii mooriyaanta beesha H/gidir laga soo saaray Gobollada Bay iyo Bakool, taasoo qaar ka tirsan waxgaradka beeshu u arkeen khatar ku soo fool leh beesha, oo ay ku wayn doonaan inta ka hartay dhulalka ay boobeen, tobankii sannadood ee la soo dhaafay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gobollada Jubbada Hoose, Dhexe, iyo Shabeelaha Hoose, iyo qayb ka tirsan Muqdisho.

2- Dowladda oo la safatay kooxo dhul boob ah (Cayr iyo Mareexaan) taasoo dhalisay xasuuq ay geesteen kooxahan kuwaasoo ah kuwii sababay burburka iyo bara kaca ku yimid qaranka Soomaali.

3- Cabdi Qaasin oo qalad ka fahmay awooda jufadiisa Cayr ee uu ka dhashay. Waxaa rag ka tirsan Cayr ay ka dhaadhiciyeen C/qaasim in Cayr yahay qabiilka kaliya ee colaad iyo nabadba keeni kara, Soomaaliya, maadaama tiro iyo awood militeriba ay ku maquunin karaan beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ay ku jiraan lafaha kale ee H/gidir sida beesha Sacad.

4- Ayadoo aan weli la daawayn boogtii beesha Abgaal, taasoo ah boobkii duhur cad looga bililiqaystay dowladii ay Soomaali wayn ugu dhiibatay isla waddanka Jabuuti ee lagu soo dhisay tan haatan dhicisawday, aduun waynuhuna aqoonsaday. Cayrna wuxuu ahaa jufada ugu wayn ee sida buuxda uga qayb qaatay ridista dowladii Abgaal ee 1991-dii.

5- Ayadoo dowladuba ku dhisnayd koox yar oo, sida cayaartooy oo kale, diyaarad lagu keenay kuwaasoo aan qabiilada ay melelayeen awood ku lahayn (xilli nabad iyo colaadeedba).

6- Ayadoo deeqihii dhaqaale ee soo galay loo adeegsaday dan beelo gooni ah iyo maaweelin shaqsiyaad gooni ah oo aan waxba ku soo kordhin ku soo biiristooda dowladda. Halka, kuwa waxa wayn ka bedeli lahaa jiritaanka dowladda sida Muuse Suudi, Xuseen-Caydiid, Shaar-gaduud iyo kuwo kalena la quursaday, isla markaana lagu tilmaamay BURCAD.

7- Arinta Jubbooyinka oo culayska la saaray, halka tan Muqdisho ay weli qasan tahay.

8- Xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay iyo kuwa aan hubaysnayn oo lagu tuntay, laga bilaabo ayagoo lagu tilmaamay “OTHERS” oo ah kelmad liidmo ah, balse uu EEBE xaqooda siinayo. Waxaa xaqooda lagu tuugayay in ay qaataan kuwa kale ee xaqdarro taa la mid ah u gaystay qabiiladan.

Haddaba waa maxay xalka haatan lays leeyahay wuu noqon karaa? Xalku waa kii ALLE keeno, balse waxaan is leeyahy waxaa xalku noqon karaa in bal ka hor inta aan la dhisin howlad kale la fuliyo arimahan soo socda oo ka mid ah:-

1- In shuruud la’aan laga soo boxo dhulalka qoriga caaradiis lagu haysto sida Jubbada Hoose, Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

2- In la abuuro labo xisbi oo ay kala leeyihiin kooxda CARTE iyo SRRC si loo qaybsado awooda. Matalan hadii CARTE la siiyo Madaxwayne SRRC la siiyo Ra’iisul wasaare, ayadoo isla markaana jagooyin siman la kala qaadanayo. Waana in qabiilada Soomaaliyeed mid walba laga siiyaa xaqiisa uu ku leeyahay maamulka ayadoon la fiirinayn yaa soo dagaalamay iyo yaa qabiil hubaysan ka dhashtay.

3- In deeqaha soo gala dowlada isku si wax loogu qabto deegaanada iyo dadka tabaalaysan ee u baahan.
Hadiise aan la samayn arimahan kor ku xusan, ha ogaado C/qaasim iyo tiimkiisu in ay u dambayn doonto cawaaqib xumo aysan weligoo kasoo kaban.Maymaay.com


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement