Return to Index  

Hoggaamiye Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo wafdigisii oo ku soo laabtay Muqdisho

November 3 2001 at 6:31 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Hoggaamiye Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo wafdigisii oo ku soo laabtay Muqdisho

MUQDISHO Nov 3, 2001 (BP)-Hoggaamiye Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta duhurkii ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay shirar wada tashi ah Magaalada Addis Abeba ee dalka Itoobiya madax ka socotay ururro Soomaa-liyeed.

Muuse Suudi oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cisalley ee waqooyiga Muqdisho, ayaa markii uu xaruntiisa yimid la hadlay taageerayaashiisa, wuxuuna u sheegay in socdaalkii uu dalka Itoobiya ku tagay uu ahaa mid dan u ah dadweynaha Soomaaliyeed, uuna ku soo dhammaaday guul iyo farxad.

" Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi waa mahadsan yahay, waxaanse u sheegeynaa inaan qaaddacnay ka qaybgalka shirka uu ku baaqay, sababtoo ah waxaa ka qaybgalaya Cabdiqaasim oo weli sheeganaya Madaxweynanimadi aan loo dhammeyn " ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow, oo markuu erayadaas yiri ay taageerayaashiisu intay xambaareen ku soo wareejiyey xeradiisa. "Looma baahna in khilaaf hor leh la sii abuuro waxaana loo baahan yahay in shacbiga Soomaaliyeed laga ilaaliyo dulmiga iyo sheegashada jagooyin aan loo dhammeyn" ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in dib u heshiisiin ay imaan karto markii dadku ay xoroobaan. " Waxaan ugu baaqayaa Cabdiqaasim salaad Xasan in inta goori goor tahay uu Maliishiyada heybtiisa ka soo saaro deegaannada uu xoogga ku haysto, gaar ahaan Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, iyo Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegeynaa inuu dhammaaday xilligii dulqaadka, mana ka yeeleyno inuu sii sheegto dowladnimo been ah iyadoo ay wiilashiisu wataan gawaaridii ay ka boobeen dadka masaakiinta ah ee bara kacay, heystana beeraha kuwa aan hubeysneyn" ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow oo taageerayaashiisana ka dalbaday inay yeeshaan dulqaad, oo aysan u nuglaanin kuwa uu ku tilmaamay argagixiso. "Kooxda Cabdiqaasim waxaa ka mid ah kaartadeeda inay dadka geliyaan mashaakilaad fara badan iyo ciriiri dhaqaale, kaas oo qofka gayeysiinaya inuu iyaga isu dhiibo markii ay injirtu gasho, waana taas midda ay doonayaan, waxaanse ku farax sanahay in dadkeygu ay yihiin kuwo iimaankoodu fiican yahay, rumeysanna in koombo cambuulo ah ay deeqdo" ayuu yiri Muuse Suudi oo taageerayaashiisa gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada dhulbeereedyada ah ku boorriyey inay ka faa'iideystaan xilliga dayrta. Wafdiga Muuse Suudi waxaa ka mid ahaa Ciise Axmed Dalabey( Ciise Dheere ), Hilowle Iimaam Cumar, Muuse Cali Cumar, Imaam Maxamed Cusmaan Maye oo ah guddoomiyaha Midowga Qowmiyadda Banaaderiga, iyo xubno kale oo fara badan.Midnimo

(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement