Return to Index  

Wafdigii xubnaha Golaha SRRC oo intoodii badnayd ay ku soo laabteen dalka..

November 3 2001 at 6:34 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Wafdigii xubnaha Golaha SRRC oo intoodii badnayd ay ku soo laabteen dalka..

BAYDHABO Nov 3, 2001 (BP)-Wafdigii Golaha SRRC ee dhawaanta u safray dalka Itoobiya oo ay u tageen shir wadi tashi ah ayaa badankoodii ku soo laabtay dalka. Wafdiga SRRC oo ay waday hal diyaarad oo kala gaysay Baydhabo, Muqdisho iyo Jowhar waxaa xubnihii shalay dalka ku soo noqday ka mid ahaa, magaalda Baydhabo waxaa ku soo laabtay Shaargaduud, Shiikh Aadan Madoobe, Col. C/wali, halka Muqdishona ay kaga soo laabmeen , Muuse Suudi Yalaxoow, Hilowle Iimaan Cumar, Injineer Caddow, Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen waxaa isna magaalda Jowhar ku laabtay Maxamed Dheere, Waxaan iyagu wafdiyadii shalay soo laabtay aan ku jirin Gen.Morgan, Xusen Caydiid iyo xubno kale.

Warsaxaafadeed ay gabagabadii shirkooda ka soo saareen golaha SRRC ayaa u dhignaa. Annagoo tixgelinayna qareenimada iyo sharafta Madaxwene Daniel Arab Moi ugana mahad celinayna dadaalka faraha badan ee uu u galay xal u helidda dib u heshiisiinta Soomaaliya, annagoo tixgelinayna aqbalaynana casuumaadda uu u fidiyey Golaha SRRC iyagoo la dhowrayo mabaad’ii ahayd in aan cidna shuruud la imaaan, si xal loogu helo arrimaha Soomaaliya ee dib u heshiisiinta loogana talo baxo kala jiidashada mar kasta jirta. Sidaas darteed waxaan go’aansanay in aanan la fariisan kooxda Carte inta ay sheeganayso Dowlad isla markaana uu C/qaasim sheeganayo Mdaxweyne. Goluhu waxa uu soo jeedinayaa in la wajaho wada tashi iyo wada shaqayn oo ay u wada dhan yihiin dhammaan kooxaha Soomaaliyeed, isla markaana ay wada maaraynayaan dowladaha IGAD. Natiijadii ka soo baxday shirkii Carta ee uu qabanqaabiyey Ismaaciil Cumar Geelle waxay Ummadda Soomaaliyeed u horseeday arrimahan soo socda:-

Sicir barar saameeyey dhammaan danyarta Soomaaliyeed, taas oo gaarsiisey saboolnimo xad dhaaf ah, nabad gelyo xumo aan horey loo arag, dagaallo ka soo cusboonaaday dalka, abuuris ganacsato xag jir ah oo aan u danaynay Ummadda Soomaaliyeed, sidaa darteed golaha wuxuu ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed in arrimahaasi uga hortagaan wadatashi, midnimo iyo istixgelin, si xal loogu helo dhibaatada raagtay ee Qaranka Soomaaliyeed golaha wuxuu ugu baaqyaa beesha caalamka inaysan ku hodmin shirqoolka ay wadaan dowladaha Carabta qaarkood, Ismaaciil Cumar Geelle iyo kooxda Carta ee uu danihiisa ku abuurtay. ugu dambeyntiina Goluhu wuxuu caddeynayaa inaysan cidna u dirsan wada hadallada la sheegay inay ka furmeen magaalada Nairobi 1-bisha November.Allpuntland


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Find more forums on Network54Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2017 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement