Maleshiyada Caydid ee Ballidogle oo Cabsi Weyn ay Haysato
WALLAWEYN, Sabti. January 15, 2000
Warar ayaa shegaya in ay jirto cabsi xoog leh oo ku furan maleshiyada Xusen Caydid ka jogta Ballidogle, sidaas waxaan ka so xiganay Aden Isaaq oo no shegay in u ka tirsana cidamad Caydid yare ee ku sugan Ballidogle isaga oo shegay in uu ka soo tegay mudo haatan laga joogo todobaad.
Mar aan wax ka weydinay sabata kentay in u ka baxo cidankaas ayaa wuxu no shegay in usan u dhalan besha Caydid sidaas darteed waxaan gartay in aan isaga so laabto khladkaygi, waxaa kalo jirta ayuu yiri hadi u dagaal ka dhaco Ballidogle waxay rabaan in ay iyaga dib isu dhigaan oo ay anaga oo ah dadka aan la besha ahayn ay na hormariyaan taasna dad badan ayaa fahamay, wuxu kalo intaas ku daray in dagaalki Baydhabo ka dib ay cabsida si badatay waxaana dad badan ay ila hada leyihiin RRA la iskama dhicin karo, cabsi weyn baa jirta oo hadi u dagaal dhaco waxaan u malynayaa in la iska kala tegi doono ayu hadalkisi ku soo xiray.
(BAYDHABO PRESS)
|