Return to Index  

Isbitaalk hay'adda SOS ee Muqdisho oo La Xiray

February 6 2000 at 12:47 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Isbitaalk hay'adda SOS ee Muqdisho oo La Xiray

MUQDISHO, Feb 5 ( BP )- Isbitaal ku yiilay Magaalada Muqdisho oo ay maalgelisay hay,adda SOS ee dalka Austria ayaa maalintii Isniinta ahayd la xiray, ka dib markii uu nin waardiye ka ahaan jiray Isbitaalka oo shaqada laga ceyrshay uu ku hanjabay in uu so weerari doono Isbitaalka hadii aan shaqada lagu soo celin.

Shaqaalihii iyo dadkii ku sugnaa Isbitaalkaas ayaa ka qaxay iyaga oo ka cabsi qaba weerarkaas, waxaa la sheegay in tirada dadka ku sugnaa Isbitaalka ay gaarayeen ilaa 200 oo qof iyada oo maalintii walbaa 20 ilaa 25 caruur ah ay ku dhalan jireen. Dad badan oo Somaaliyeed iyo kuwa aan Somaali ahayn ayaa waxay sheegen in ay la yaabeen dhibka haysta magaalada Muqdisho iyo dadka ku nool mar hadii Isbitaal u adeegaya danta bulshada uu hal qof iska xirtay.




(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2014 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement