Return to Index  

Sheekh Ibraahim Macalim oo ugu Baaqay Maxkamdaha Islaamiga in aysan ka Qaybgalin Dagaalada Somaaliya

February 6 2000 at 12:52 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Sheekh Ibraahim Macalim oo ugu Baaqay Maxkamdaha Islaamiga in aysan ka Qaybgalin Dagaalada Somaaliya

BAYDHABO, Feb 5 ( BP )- Sheekh Ibraahim Macalim oo ah mas'uulka Jamaacada Baardheere oo ka mid ah Jamaacoyinka ugu facaweyn Somaaliya, ayaa maalintii Jimcaha ugu baaqay Maxkamadaha Islaamiga ee koonfurta Muqdisho in aysan ka qaybqaadan dagaalada u dhaxeeya beelaha Somaaliyeed isla markana ay faraha kala baxaan arimaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu Sheekhu sheegay in Somaaliya maanta ay ku sugantahay xaalad fitno ah ayna khalad tahay in dad wadaado ah oo diin sheeganaya ay ka qaybqaatan fitnadaas iyaga oo ka dhinac dagaalamaya maleeshiyo wax dulmaysa oo ay isku beel yihiin, wuxuu yiri diinta Islaamku waxay sheegaysaa in hadii u walaalkaa wax dulmaayo aad ka qabato.

Sida oo kale waxaa uu uga digay Maxkamadah Isaalmka ee koonfurta Muqdisho in aysan isticmaalin magac Islaam mar hadii ay la safanyihiin koox gaar ah maxaa yeelay waxaa ay dulminayaan Islaamka ka sokow inta aysan bani'aadan dulmin.

Waxaa Baaqa Sheekha taageray Majliska Culumad Beelaha Digil iyo Mirifle waxayna sii raacsheen iyaga oo sheegay in dhinacooda ayna marna ka qaybqaadan doonin dagaalada u dhaxeeya beelaha Somaaliyeed.



(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2014 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement