Return to Index  

Maxkamada gobolka Bakool oo Furidoonta Dacwado

February 27 2000 at 4:13 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Maxkamada gobolka Bakool oo Furidoonta Dacwado


XUDUR, Feb 27 ( BP )-Maxkamada gobolka Bakool ayaa lagu so waramayaa in ay so gaarayaan dacawado ku saabsan dhibaatoyiinkii ay maleeshiyadii Xussen Caydiid u geysteen beelaha Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan gobolada konnfureed ee Somaaliya.

War aan ka soo xiganay xafiska xeer ilaaliyaha maxkamada gobolka Bakool ayaa sheegay in ay maxkamadu ku talo jirto in ay furto dacawadaha lagu soo oogay eedaysanayaasha uu madaxda u ahaa Xussen Caydiid oo geystaay danbiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dil, dhac hanti ummadeed, barakicin iyo kufsasho.

Dacwadahaas ayaa lagu talo jiraa in ay dhawaan ka bilawdaan gobolka Bakool, waxaa dacwadahaas la qaadi doono ayey yiraahden iyada oo ay eedaysanayaashu ku sugnayn gobolka ama aysan goob joog ka ahayn dacwada lagu soo oogay.




(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2014 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement