Return to Index  

Sharaftii iyo karaamadii 50 sano naga maqneyd hadda ayey noo soo noqotay.

June 10 2000 at 11:10 PM
WQ. Maxamed Sidow 

 
Sharaftii iyo karaamadii 50 sano naga maqneyd hadda ayey noo soo noqotay.

Waxaa maqaalkaan qoray Mr. Maxamed Sidow, wuxuna ku cabirayaa dareenkiisa iyo fikradiisa la xiriirta baahida loo qabo wada shaqaynta iyo midnimada Digil iyo Mirifle. Maqaaalkisana waxaa u ku bilaabay sidan:

Marka ugu horeysa waxaan add uga xumahay in aan afkaan ku wada xiriirno, anagoo leh af qani ah oo balaaqa aad u qoto dheer leh. Marka inaan afkeena hirgelino waa hool anaga noo taalla. Marka xigta, waxaan u sheegayaa dhammaan ummadda Digil iyo Mirifle in aysan fiirinin waxyaabo yar yar ah oo khilaaf weyn keeni karo sida dad baa guryo dhistay, dad baa la naas nuujiyaa iwm.

Sanad ka hor waxaan ahayn lahaystayaal, haddana waxaa nahay quwad aan la soo haweysinkarin. Fiiri inta horumar ah oo laga sameeyey waddankeena dhinac kasta.
Magaalada Baydhowi oo eeyaha ku hooyanjireen hadda waa camirantay.Waxaa nahay dad codkooda la maqlo oo layska dhegatirikarin. Dadkii guushan keenay miyaan si sahal ah ku cambaareen karnaa? Jawaabta waa maya. Haddii qalddaad yar-yar ah ay jiraan oo maamuleed waddamada horey u maray oo aan joogno ayey markasta ka dhacaan.

Qofkii waxyaabahan ka xanaaqana waxaan u qaadaneynaa oohinta orgiga ka weyn. Qofkii raba inuu shisheeye hoos fadhiisto oo marba shilin loo soo tuuro anaga taas waa diidnay,dibna gumeysi ugu noqonmayno. Maamulkan,sharaftan iyo nidaamkan hadda noo dhismayna ma rabno in beenbeen faraheena uga baxo. Shakhsiga haddii la waayo waa la beddelikaraa laakiin maamulka haddii la waayo sidii loo soo celiyo way adagtahay.

Sharaftii iyo karaamadii 50 sano naga maqneyd hadda ayey noo soo noqotay.Ummadda Digil iyo Mirifle uma baahna qabiil ee waxay u baahantay qof wax wadikara oona daacad ah (THE RIGHT PERSON FOR THE RIGHT JOB). Tankale wafdigii Digil iyo Mirifle oo diiday inay ka soo tagaan Jabuuti way qaldanyihiin cidkaste ha u dhashaane, waxay ahayd inay amarka qaataan oo soo noqdaan.Waayo anaga waxaa nalaga maamulaa Baydhowi, ee arrinkasta oo khusaysa ummadda Digil iyo Mirifle waa in lagu go'aamiyaa magaalo madaxdeena ee Baydhowi. Ugu dambeyntii waxaan ammaan iyo mahad celin usoo jeedinayaa dhalinyarada maamusha (BAYDHOWI PREES).


WQ. Maxamed Sidow

(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement