Dabaaldaga Sanadguuradii kowaad ee ka soo wareegtay xoreeyntii magaalo madaxda Digil iyo Mirifle oo lagu qabtay Baydhabo
BAYDHABO June 10, (BP)-Waxaa maalintii talaadada oo bishan June ahayd 6 da kuna beegnayd sanadguuradii kowaad ee ka soo wareegtay xoreeyntii magaalo madaxda Digil iyo Mirifle lagu qabtay magaalada Baydhabo. Munaasabadaas waxaa ka qeyb qaatay ardayda wax ka barata dugsiyada, ururada dhalinyarada, haweenka, iyo ciidamada RRA.
Waxaa dadweynihii isugu soo baxay dabaaldaga maalintaas khudbad ku aadan maalintaas uu jeediyay guddomiye ku xiggenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheekh Aden Madoobe oo ka hadlay halgankii uu ururka RRA uu soo galay xoreeynta dhulka Digil iyo Mirifle oo uu sheegay in ay dagaal kula jireen burcad ispahaysatay oo ay ka mid ahaayeen ciidamo dalka la keenay oo uu dhashay Oromo, wuxuu sheegay in burcadaas mudadii ay xooga ku haysteen dhulka Digil iyo Mirifle ay geysteen dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo dad iyo degaanba saameyay.
(BAYDHABO PRESS)
|