| Beelaha D/M oo laga codsaday in ay soo gudbiyaan musharixiintooda madaxtinimada dalka SomaaliyeedJuly 16 2000 at 12:02 PM | BAYDHABO PRESS | |
|
Beelaha Digil iyo Mirifle oo laga codsaday in ay soo gudbiyaan musharixiintooda madaxtinimada dalka Somaaliyeed
BAYDHABO July 16, (BP)-Wararka ka imaanaya magaalada Carta ee dalka Jabuuti oo uu ka socdo shirka nabadeynta Somaaliyeed ayaa sheegay in laga codsaday ergada beelaha Digil iyo Mirifle uga qeybgalaysa shirka in ay soo gudbistaan liiska musharixiintooda uga qeybgalaya Madaxweynanimada dalka Somaaliya.
Waxaa kalo ay wararku shegeen in Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] Hogaamiyaha RRA oo horey looga codsaday in uu qabto jagada Madaxweynaha dalka Somaaliya aan weli laga haynin jawaab rasmi ah in kasta oo warar horey looga soo xigtay dad ku dhowdhow ay shegeen in uu san rabin in uu qabto xilkaas. Hadii Md. Dr Xasan Maxamed Nur [Shaatigaduud] uusan ogolaan codsiga loo soo gudbiyay waxaa laga yaaba in ay isa soo sharaxaan dad ay ka mid yihiin Shariif Saalax oo diyaar u ah in uu tartamo jagadaas.
(BAYDHABO PRESS)
| |
| | Responses |
|
|