Mudane C/qaasim Salaad Xasan oo la filayo in uu ka dego BAYDHABO maalinta khamista ah.
CARTA August 29, (BP)-Wararka naga soo gaaraya magaalada CARTA ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Mudane C/qaasim Salaad Xasan oo ah Madaxweynihii dhawaanta lagu soo doortay shirkii CARTA in la filayaa in uu malinta khamista ah ka dego magaalada BAYDHABO.
Warku wuxuu intaas ku daray in maaalinta barito ah ee arbacada uu Md. C/qaasim Salad Xasan tegi doono magaalada Muqdisho. Ujeedad boqashada Md. C/qaasim Salad Xasan iyo wafdigisu ay ku tegayaan magaalada BAYDHABO ayaan ilaa hada la garanaynin
Dhinaca kale hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ayna ka mid yihiin Xuseen Caydid, Cusmaan Caato iyo Xuseen Xaaji Bood ayaa maanta u kictimay dalka Yaman oo looga yeeray, iyada oo warar aan weli la xaqijina ay sheegayaan in ay DAWLADA Yaman kulan u qaban doonto Madaxweynaha lagu doortay CARTA iyo hogaamiye kooxeedyadaas.
(BAYDHABO PREES) |