Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo maanta ka degay magaalada Muqdisho
MUQDISHO August 30, (BP)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu maanta tegay magaalada Muqdisho isaga oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Ballidoogle, Dr. Xasan Maxamed Nur waxaa ay wada socdeen Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ah Madaxweynihii dhawnata lagu soo doortay shirkii CARTA.
Labada hogaamiye Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayey wararku shegayaan in ay maalinta barito u kictimi donaan magaalada BAYDHABO ee xaruunta u ah maamulka RRA.
(BAYDHABO PRESS)
|