Return to Index  

Sadex ka mida Hogaammiye kooxeedyada Muqdisho oo maanta tegey magaalada Garoowe .

September 2 2000 at 2:58 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Sadex ka mida Hogaammiye kooxeedyada Muqdisho oo maanta tegey magaalada Garoowe.

Garoowe Sep 2, (BP)-Wararka ka soo baxaya Magaalada Garoowe, xarunta maamul gobaleedka somaaliyeed ee Puntland waxay sheegayaan in ay saaka tageen saddex ka mid ah hogaammiye kooxeedyada Muqadisho kuwaas oo ka soo dhoofay dalka Yemen waxayna kala yihiin Xuseen Ceydiid, Cismaan Xasan Cali Caato iyo Xuseen Xaaji Bood.

Hadal ay u dhan yihiin oo ay soo saareen markii ay la kulmeen Md. Cabdilaahi Yusuf Axmed Madaxweynaha DAWLAD gobaleedka Puntlanad ayey wararku sheegayaan inay ka soo horjeedaan dowladda KMG ee lagu dhisay Shirka Carta. Waxay intaa ku dareen inay ka wada hadalayaan sidii ay u bilaabi lahaayeen shir Soomaaliyeed.

Dhinaca kale maanta waxaa la filayaa inuu tago xarunta dalka Masar ee Qaahira madaxweynaha DAWLADA KMG ee Soomaaliya Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo wafdi ka kooban 8 xubnood oo ay ka mid yihiin Md. Dr. Xasan Maxamed Nuur [Shaargaduud] iyo Cali Khaliif Galeyr.

Waxay kalo Warar lagu kalsoon-yahay oo ka soo baxay Jabuuti ay sheegayaan in wafdigaasi uu Qaahira ka sii raaci doono Cali Mahdi Maxamed maalinta Talaadada oo lagu wado inay u baxaan magaalada New York iyaga oo la kulmi doona madax sare oo ka tirsan Jamciyadda Qaramadda midoobay.





(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Responses

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement