[Arlaadi] Weriyaha laanta Af-Somaaliga ee BBC da oo isaga oo Baydhabo Jooga la wareystay
BAYDHABO Sep 2, (BP)-Waxaa qoraalkan soo diyaariyay Mr. M. H. Adow oo ah maamulaha golaha Araaldi egroup wuxuuna ka diyaariyay faalo ay idaacada BBC du shalay sii daysay.
Dhamaan Xubnaha Golaha Arlaadi Waad Salaamantihiin.
Sida aad la socotaan waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 1da Sibteembar, magaalada Baydhabo booqasho ku tagay wefdi uu horkacayo Madaxweeynahaa ku meelgaarka aha ee Soomaaliya Cabdul Qaasim Salaad Xasan. Hadaba shalay BBCdu waxay sii daysay qodob ku saabsan booqashadaas.
Waxaan golahan idinku soo gudbinayaa qodobkaas idaacadaa BBC da ka baxay oo qoraal ah wuxuuna u dhacay sidatan:
Axmed Cabdinuur: (Soo jeediyaha barnaamijka shalay),
Madaxweeynaha ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo wefdi
ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Baydhabo ka dib markii ay ka soo duuleen dhabbaha dayuuradaha Cisileey ee Waqooyiga magaalada Muqdisho waxaana magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay dadweynaha iyo hogaamiyaashooda. Weriyahayaga Cabdisalaan "Haraari" ayaa wefdigaas la socda, Yuusuf Garaad oo London jooga ayaa khadka telefoonka magaalada Baydhabo kaga waraystay waxyaabihii ay wefdigaasi Baydhabo kala kulmeen.
Abdislaan: (oo Baydhabo Jooga) Een waxaan la qiyaasi karayn ayaan ku arkay Yuusufoow run ahaantii magaaladan Baydhabo. Een inta horta Baydhabo iyo soo dhawayntooda aanan u gelin waxaan jeclahay in aan xuso magaalada Muqdisho markii ay kasoo baxayeen dadweyne aad iyo aad u tiro badan ayaa jidka hareerihiisa tubnaa oo u sacbinayay illaa magaalada laga baxayay.Een Baydhabo waxaan ugu imid mid aan tii ka dhicin ee dad aad iyo aad u tiro badan ayaa jidka hareerihiisa iskugu soo baxay oo aan ku qiyaasi karo kumanaan. Een magaalada Baydhabana waa ka
weeyntahay intii shakhsi ahaan kollayba anigu markii hore aan u haystay. Een iyadoo sidaasoo khalqiga halkaas iskugu soo baxay aan ka yaabanahy ayaa hadana garoonka kubadda lagu ciyaaro waxaan ugu tagnay dad iyaguna kumanaan gaaraya oo sugayay in Madaxweeynaha ku meel gaarka ah Cabdulqaasim Salaad Xasan uu halkaas ka khudbadeeyo.Een si toos ah ayaan uga tagnay garoonka dayaaradaha dabadeedna waxaan tagnay garoonka kubadda cagta.
Halkaas ayuu khudbad ka jeediyay. Een waxyaabihii ugu
muhiimsanaa hadalkiisana waxaa ka mid ahaa; een hadal loo
qaadankaro een in dib u heshiisiin iyo wanaag lagu doonayo oo ay ka mid ahaayeen isagaoo xusay in tobankii sanadood ee ugu dambeeyay dhibaato aanay galabsanin oo aad u badani ay soo gaadhay dadweynaha gobollada Bay iyo Bakool, ee waxaa uu ugu tacsiyadeeyay intii ku dhmatay. Een isla markaasina waxaa uu sheegay in uu rajeeynayo waa sida uu hadalka u dhigaye in waxqabadka marka ay timaaadana uu gobolladan mudnaanta siin
doono.
Yuusuf Garaad: ( Dadka reer Baydhabo iyo mas'uuliyiinta reer Baydhabo maka hadleen goobtaas?
Cabdisalaan: Haa dabcan waa ka hadleen ee mas'uuliyiin uu ka mid yahay een "Shaatigaduud" ayaa halkaas ka hadlay. Qalinle ayaa isna halkaas ka hadlay. Mas'uuliyiinta kale ee joogayna waxaa ka mid ahaa Cabdalla Deerow oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ku meelgaarka ah iyo Cali "Marguus" iyo rag kaloo frabadan ee iyaguna waxay sheegeen in ay ku farxsanyihiin in ay Madaxeweeynaha ku mellgaarka ah iyo wefdigiisa ku soo dhaweeyaan magaalada Baydhabo. Een Yuusufow waxaa xusid mudan bay ila tahay tan dadweeynaha hadii mar labaad aan ku noqdo magaalada Muqdisho iyo Baydhababa in dadka ay ka muuqato in dhibaatadii ay ka soo kacday oo ay u baahanyihiin maadaama ay dhowr jeer oo hore ay ku hungoobeen ee rajo gashay in markan ay noqoto tani mid u socota oo runtii waxaa ka muuqaatay farxad aad u badan
Axmed Cabdinuur: Kaasi wuxuu ahaa Cabdisalaan "Harari" oo
baydhabo joogay, waxaana kaloo uu noo sheegay in barnaamijka soo dhaweeynta ay ka mid ahayd barnaamij faneed ay soo bandhigeen kooxda fanaaniinta ah ee la yiraahdo ARLAADI.
Waxaa isku soo duwey: M. H. Adow
|