Return to Index  

Talo iyo Tusaaleyn qeybtii 4 aad Habka loo dhisi karo dawlad caadil ah oo Somaaliyed

September 14 2000 at 7:46 PM
Sheikh Cabdisalaam Malla 

 
Talo iyo Tusaaleyn qeybtii 4 aad Habka loo dhisi karo dawlad caadil ah oo Somaaliyed

Bismi-Allahi, Nabad gelyada iyo Naxariista Allah Nabiga Muxammad ah dushiisa ha ahaato.

Waxaan shaki ku jirin in dhismaha dawlad caadil ah oo ka dhalatay Soomaaliya ay ku xiran tahay hirgelinta qodobada soo socda sida aragtideydu ay tahay:

1) Dustuurka iyo sharciga u dhigan dadlka:
Yey ku abtirsadaan dustuurka (axdiga) iyo sharciga qaranka uu ku socdo? Ma Nabi Muxammad (saw) iyo intii subaneyd ee raacdey oo u adeegtay Allah sida matalan: Khulafadii la hagey ee Abuu-Bakar, Cumar, Cusman, iyo Cali dhammaantood Allah ha ka raalli noqdee mise inta ka soo hartey oo u adeegtey Sheydaanka sida: Machiavelli, hobbes, David Hume, Rousseau, Kant, Marx, Engels iyo Nietzsche? lacnat baa ku taala sheydaankee. Ma waxaa raacney Bari, Galbeed ama Qiblada? Ogaada haddii aan la raacin Dustuurka Rabbi oo ah Kitaabka Qur'aanka kariimka iyo Sunnada Rasuulka (saw) in laga dhumay qiblada xageeda oo aan la raacin dardaarankii Rasuulka (saw) oo ahaa laba shey yaan idiin kaga tegey haddii aad qabsataan waligeen ma dhumeysaan: Kitaabka Allah iyo Sunnadeyda. Sidoo kale waxaa laga leexday dardaarankii Rabbi uu kula dardaarmay Nabi Adam (cs) iyo ciyaalkiisa markii Adam (cs) laga soo saarey Jannada ee loo soo gudbiyey dhulka oo Ilaah uu ku yiri: Haddii uu idin soo gaaro hanuunkeyga (kitaabkeyga dadka ku hagaya dhabbaha toosan) ogaada qofkii ama ummaddii raacda in ay ka nabadgaleyso Cabsi iyo Murug (mid adduunyo iyo tu akhiraba). Quraanka iyo Sunnada oo lagu socdaa ayaa lagu gaari karaa cadaalad dhab ah oo lagu maamulo umadda Soomaaliyeed, wixii ka soo harayna waa dhalanteed, baadinimo iyo cadaalad darrro.

2) Miisaanka Cadaaladda iyo Dheellitirka ee Maamulka, dhaqaalaha iyo Hogaaminta:
Miisaanka cadaaladda iyo dheellitirka waa mid laga ma maarmaan u ah dhismaha dawlad caadil ah oo waarta. Wax kasta oo dhummiya dheellitirka jiritaankiisa waxaa u dambeenaya burbur iyo baaba'. Mujtamaca Soomaaliyeed oo afatan jirsadey intii uu dawlad nimada helay weligii ma dhadhemin ama ma arag miisaan cadaaladeed ama dheellitir xaq ah xagga maamulka, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Taasi waxay ka mid tahay waxyaabaha dhaliyey in dadweynaha ama qabaa'isha soomaaliyeed ay gadoodaan oo dabadeedna qarannimadii iyo dawladnimadii soomaaliyeed burbur uu ku dhaco oo la waayo muddo toban sano ah iyadoo taasi ay ku dhawaatey in quus laga gaaro dib u helitaankeeda. Haddaba dawladda cusub ee uu hogaaminayo Mudane Cabdulqaasim waxaan kula talin lahaa, si uu miisaanka dheellitirka u sugo had iyo jeer, iyo si looga nabadgalo gadood shacbiyeed iyo bubur danbe, qodobada soo socda:
a) In uu had iyo jeer maanka uu ku hayo shanta qeybood ee soomaalida iyo miisaanka cadaaladda mar kasta oo uu qeybinayo maamul, dhaqaale, siyaasad iyo wixii la hal maala.
b) In uu had iyo jeer la tashado hey'adaha bulshada soomaaliyeed iyo uraradooda sida kan Culamaaudiinka soomaaliyeed, midka madaxda golaha nabaddoonada soomaaliyeed iyo ururka hooyooyinka soomaaliyeed marka kasta oo ay dawladdu ku tallabsaneyso arrin guud oo xassaasi ah oo u baahan dheellitir iyo miisaanka cadaaladeed.
c) In gobolada dalka ee hadda jira loo qeybiyo afar walaayadood oo waaweyn oo gobolladoo dhan hoos imaanaayaan. Walaayad kastana waxay si toos ah u hoos imaaneysaa dawladda dhexe ee soomaaliyeed. Gobol kastana wuxuu si toos ah u hoos imaanayaa walaayadda uu ka tirsan yahay. Dawladda dhexe waxay la xisaabtameysaa maamulka afarta walaayadood. Afarta walaayadoodna waxay la xisaabtamayaan maamulka gobolada hoos yimaada. Hawsha qarankana waxaa loo qeybinayaa seddex qeybood: Hawsha dawladda dhexe (federaalka), midda afarta walaayadood, iyo tan gobolada iyo degmooyinka. Waxaan qabaa in musharaxiinta madaxweynaha dalka ay noqdaan afarta qof ee hoogaamineysa maamulka afarta walaayadood ee dalka. In afarta hogaamiye loo qaado cod bixin guud oo ka dhacda dalka. Waxayna guusha raaceysaa qofkii hela codka ugu badan ee codbixiyayaasha dalka. Musharaxa jagada madaxweynaha waa in uu magacaabaa inta aan la dooran madaxweyne ku xigeenkiisa qofka uu ka dhigayo haddi loo doorto jagadaasi waana in uu ka tirsan yahay walaayad kale iyo qayb kale ee soomaaliyeed ee shanta qeybood ee soomaalida. Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee la doortey ayaa soo dhisaya golaha wasiirada dawladda iyaga oo maanka ku haya miisaanka dheellitirka soomaaliyeed ee afarta walaayadood iyo shanta qeybood ee soomalida. Walaayad kasta waxay yeelan kartaa maamul buuxa oo leh baarlamaan, gole wasiiradeed, boolis iyo maxkamado walaayadeed. Xubnaha baarlamaanka walaayad kasta waxaa loo qeybinayaa la qeybood. Qeybta noqon doonta xubnaha maxalliga ee walaayadda iyo qeyb mataleysa walaayadda ee fadhigeedu yahay xarunta dalka oo ku biireysa golaha dhexe ee baarlamaanka dalka. Qybinta xubnaha baarlamaanka walaayadda waxay ku dhaceysaa habka cod bixin ah ama habka qori tuurka ee baarlamaanka gudihhisa. Golaha baarlamaanka ee walaayadda waxaa lagu soo dooranyaa cod bixin ka dhacda walaayadda gudaheeda. Cod-bixinta walaayadda waxay ku saleysnaaneysaa tirada dadka iyo deegaankooda. Matalan 35kii kun oo qof ee degan deegaan ka tirsan walaayadda waxay xaq u leeyihiin in ay soo doortaan ha mudane. Haddii walaayaddu degan tahay hal milyan iyo shan boqol oo qof, waxay heleysaa 43 mudane. Tirada shacbka walaayadda mark loo qeybiyo shan iyo soddon kun, tirada soo baxda ayaa noqoneysa tirada mudanayaasha ee walaayadda. Haraaga qeyta xisaabta ee ka yar shan iyo soddonka kun waxaa laga soo qaadayaa hal mudane. Arrintan waxay u baahan tahay in tiro koob sax ah laga sameeyo dalka inta ay jirto dawladda ku meel gaarka ah. Caddaaladda macnaheedu ma aha in wax walba si isleeg loo qeybsado ee waxaa weeye qof , beel, ama deegaan kasta ha helo wax uu xaq u leeyahay marka si sax ah loo xisaabtamo.
d) In dadka dhisaya dawladda ay aqoon u leeyihiin diinta, dhaqanka, caqliyadda, shakhsiyadda, mabaadi'da, xeerarka, iyo hididiilada shakhsiga, qoyska, qabiilka, iyo shacabka soomaaliyeed. In aan loo arag shacabka soomaaliyeed in ay isku mid yihiin kan mareykanka ama raashka waayo isku caqiido, dhaqan, siyaasad, ama aragti iyo fikrad ma aha. Sidaa awigeed nidaamka lagu dhaqayo shacabka soomaaliyeed waan in uu ka duwan yahay kuwa lagu dhaqo shacabyadaa kale. Nidaamka shacabkeenna waa in uu ka dhashaa maskaxda mufakirka iyo aqoonyahanka soomaaliyeed. Taasi waxaa u daliil ah shirka carta oo ku guleystey geedigii nabad raadinta soomaaliyeed waayo soomaali ayaa tashatay kuna tashatay diinteeda, fikirkeeda, hantideeda iyo dadkeeda Allah ka sokow. Taa ulama jeedo yaan xikmado laga qaadan umadaha kale waayo Rasuulkeenna Muxammad (saw) wuxuu xadiis ku yiri: xikmaddu waa baadida Mu'mink meel alla meeshii uu ku arko isagaa kaga xaq leh cid kasta oo kale. Harqaanluhu qof kasta cabirkiisa ayuu dharka ugu tolaa. Shacabka soomaaliyeed waa in loo dejiyaa nidaam waafaqsan dhabnimadooda sida caqiidadooda, nafsiyaadkooda, caqliyaddooda iyo dhaqankooda. Hadii kale waxaa dhaceysa in umaadda dhar aysan laheyn lagu karkabeeyo tasoo keyneysa fadeexad iyo qawanaan.
e) In la kala saaro qabiil iyo qabyaalad. Qabiilka waa xaqiiqo dhab oo uu ku safeysan yahay shacbkeennu. Qabyaaladduna waa dhaqdhaqaa uu sameynayo qabiilka oo uu ku radinayo cadaalad darro si toos ah ama si dadban sida sad-buursi, eex, qaraabo-kiil iyo xagal daacin. Qabyaaladdu waxay dhumisaa miisaanka cadaalada ama dheelitirka bulashada. Qabyaaladdu waxay ku shaqeysaa mu'aamaro, muquunis iyo xoog. Qabyaaladdu waxay qiimo tirtaa qofka muwaadinka ah cilmigiisa, taqwadiisa, iyo caqliyaddiisa mar haddii uusan ka tirsaneyn qabiilka qabyaaladda wado. Rasuulkeenna Muxammad (saw) wuxuu ku tilmaamay qabyaaladaa iyo wixii la halmaala wax qurun ah oo uu yiri ka fogaada. Qabyaaladdu waa dhaqanka bulshada jaahilka ama diinlaawaha ah. Laakinse qabiilku waa nidaam bulshadeed oo uu Illaahey inoo jideeyey sida uu ku yiri Qur'aank: "Dadow waxaan idiinka yeelney shucuub iyo qabaa'il si aad isu aqoonsataan; kiina idiinku karaamada badan Allah agtiisa waa kiina idiinku taqwada badan". Qabiilka waa in loo arkaa sida ururro rabbaani ah oo loo qeybiyey shacabka. Waa in loo sameyaa xeerar qoran oo cad oo uu socdo kasoo tilmaamaya ujeedadiisa, waajibaadkiisa, mamnuucaatkiisa, iyo wax qabadkiisa. Qabiilku waa in uu ku socdaa shareecada Islaamka iyo xeerarka la xiriira ee dalka. Beel kasta waa in ay leedahay naqshad cad oo tilmaameysa sida ay u dhisan tahay ama u qeybsantahay iyo deegaankeeda rasmiga ah . Haddaba qabyaaladda waa in aan la dagaalanna. Qabiilkuna waa in la habeeyaa oo loo sameeyaa nidaam cad oo uu ku socdo hadduu khilaafana lagu maxkamadeen karo. Haseyeeshee qabiilka jiritaankiisa waa in aan lala dagaalamin waayo waa xaq.
3) In aan dalka lagu soo celin dawlad dhexe oo awoodaha oo dhan gacanta ku heysa waayo waa nidaam noo shaqeyn waayey sida kii loo bixiyey musuqmaasuqa iyo kii ka danbeeyey ee lagu magacaabey kacaanka. Labaduba waa lagu qanci waayey, waxayna dhaliyeen burbur. Waxaa markan loo baahan yahay nidaam cusub sida matalan kan aan ku xusay qodobka 2aad ee qoraalkeygan ama mid la mid ah oo lagu cabiray xaqiiqda jiritaanka umaddeenna afartan jirsatey iyo diintooda. Dhibaatooyinka kale oo uu keeney nidaamka dawlad dhexe oo kaliya waxaa ka mid ah in dawladda ay xoog saarto caasimadda oo kaliya xaga horumarinta iyo daryeelka dadweynaha. Taasina waxay keentey guul darro iyo weliba cadaalad darro ku dhacda maamulada gobolada somaaliyeed iyo dadkooda waayo dhaqaale badan oo ay soo saareen oo ay u soo gudbiyeen dawladda dhexe ayaan waxba laga siin ama wax aan macna laheyn loo soo tuuray taasoo aan lagu fulin karin mashaariic horumarineed iyo daryeel toona. Taasina waxay burburisey miisaankii cadaaladda iyo dheellitirkiisa.

Haddaba, intaa kor ku xusan waa aragtideyda shakhsiga ah oo aan u soo jeediyey dawladda cusub ee Mudane Cabdulqaasim Salaad iyo shacabka soomaaliyeed. Waxaanna u soo jeedinayaa madaxweynaha hanbalyo iyo bogaadin. Waxaana xusuusinayaa madaxweynaha hadalka uu horey u yiri in wax waliba loo celin doono xaqnimadooda kitaabka Qura''anka iyo usuusha diinta haddii la doorto. waxay aheyd ballan uu ka qaadey ummadda soomaliyeed baarlamaanka cusub hortiisa markii uu bandhigayey qorshaha uu ku socon doono haddii la doorto. Waxaan Allah uga barya hayaa in uu ka dhigo kii umadda soomaaliyeed ay ku gaari laheyd wadajir, nabadgelyo, walaalnimo iyo horumar muddada uu hayo maamulka dawladda. Waxaan sidoo kale halkan hanbalyo iyo Bogaadin ugu soo gudbinayaa Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliyeed Mudane Cabd-Allah Deerow.

Wa bi-Allaahi Towfiiq.


W.Q. Sheikh. C/salaam Malla


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement