Return to Index  

Wareeysi aan la yeelanay Md. Ibraahim Cilmi Maxamed [Sokorow] wakiilka RRA waqooyiga Amerika

October 1 2000 at 10:12 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Wareeysi aan la yeelanay Md. Ibraahim Cilmi Maxamed [Sokorow] oo ah wakiilka RRA ee waqooyiga Amerika

BAYDHABO Oct 01, (BP)- Waxaa maalmahaan danbe soo baxay warar sheegaya in dadka Digil iyo Mirifle ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan DAWLAD goboleed, hadaba arimahaas iyo kuwa kaleba waxaa noo suurto gashay in aan khadka war isgaarsinta ku wareeysano Mudane Ibraahim Cilmi Maxamed [Sokorow] oo ah wakiilka ama ergayga Ururka RRA u fadhiya Waqooyiga Amerika wareeysigiina waxaa uu u dhacay sidan.

1- Mudane Ibraahim [Sokorow] maxaa ka jira wararka sheegaya in beelaha Digil iyo Mirifle ay damacsanyihiin in ay sameystaan maamul goboleed, goormaase lagu dhawaaqi doonaa?

Waa run waxaana dhoor jeer oo hore ay dad fara badan ku talo bixiyeen in dadka Digil iyo Mirifle ay sameystaan kuna dhawaaqan dowlad goboleedkooda oo uu horay Caydiid uga arbushay. Waxaa maamulkaas loo dhisi doona looguna dhawaaqi doonaa sida ugu dhaqsaha badan waxayna dadka Digil iyo Mirifle darensanyihiin in arbushaadi hore ee Caydiid uu waqti badan uga lumay oo ay wax ku qabsan lahaayeen.

2- Mudane Ibraahim Cilmi [Sokorow] sidee adigu u argtaa in uu ku jiro xalka Somaaliya nidaam ahaan?

Waxaan qabaa in Somaaliya xalkeeda uu ku jiro in la helo oo keli ah dawlad Federaal ah oo ka kooban Afarta qayb ee Somaaliya u dhisantahay sida: Isaq (Dir), Daarood, Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.

Inkasta oo ay jiran dad yar oo Somali ah oo u arka in Dawlada Federaalka ah in ay ka horimaanayso danahooda gaarka ah hadana waa lagama maarmaan oo waa habka keli ah oo Somaalida badankeedu isku raacsantahay ayna ku wada noolaan karto ayada oo la isku xad gudbin sidii horay loo soo maray.

Waxaa durba hirgaley dawlad goboleedyo oo uu si fiican u socodo maamulkoodu mana dhacayso in ay dib uga soo laabtaan heerka ay marayaan marka waa lagama maarmaan in la istixgeliyo oo la isfahmo.

3- Waa maxay mowqifka dadka Digil iyo Mirifle gaar ahaan jaaliyaddah dibada hadii uu hogaanka Digil iyo Mirifle ku dhawaaqo dawlad goboleed?

Ummaddu maslaxadeeda in ay ka taliso waa lagama maarman ayna go'aansato wixii maslaxadeeda ah qof walba oo Somaali ah waa in ay walaalahooda wanaaga iyo horumarka ay gacan ku siiyan. Ma filayo in ay dhici doonto sidii caydiid oo kale gortii D/M mamul samayteen uu u arko in laga horyimid maslaxadiisa halkaasna uu ku arbushay maamulkii D/M ka dibna waad ogtihiin sidii Caydiid uu ku fashilmay isaga iyo tagyeeriyashiisa.

Mar kasta, waxaa jira dad daneestayaal ah iyo kuwa lagu adeegto. Intaas oo dhan waxaa ka wayn rabitaanka Ummadda taas ayaa soconaysa waxaan kalo hubaa arintaas hadii ay noqoto in ay dhacdo oo maamulku soo dhiso DAWLAD goboleed in sidaa oo kale Jaaliyaddaha Digil iyo Mirifle ee ku nool dibadaha in ay si buuxda u taageeri doonaan dhismaha ismaamulka dawlad goboleedka ayna ka kaalmayn donaan dhinac kasta oo ay awoodaan diyaarna u yihiin .


4- Mudane Ibraahim [Sokorow] ugu danbeyntii wax ma nooga sheegi kartaa sida uu noqonayo xiriirka wada shaqayn ee ka dhaxayn doona Dawlad goboleedka la filayo iyo tan CARTA lagu soo dhisay iyada oo weliba gobolka Shabeelaha Hoose la haysto?

Waxaan u maleynayaa in uu xiriir wanaagsan dhexmari doono labada maamul hadii gobolka Shabeelaha Hoose looga baxo si nabad gelyo ah DAWLADA Md. Cabdiqaasimna ay si wanaagsan u soo dhaweeyso DAWLAD goboleedka dadkiisana uu ku qanciyo in ay si nabadgelyo ah uga baxaan dhulka Digil iyo Mirifle arimahaasna Md. Cabdiqaasim wuu balanqaaday mar aan kula kulanay magaalada New York ee dalka Mareykanka hadii ay taas dhacdo ka dibna maamulka dhexe loo wada qeybsado si xaq ah markaas DWALAD goboleedka la filayo ma noqonayo mid ka hor imaado dowlada dhexe weliba wuxuu u noqonayaa xoog wayn oo garab siiya.

Intaas ka dib waxaan si buuxda u taageersanahay in mas'uuliyiinta ummadda Digil iyo Mirifle ay ku dhaqaaqan wixii maslaxada ummadooda ah iyada oon qofna loogu gaysanaynin dhibaato ama qofna looga gabanaynin ku dhawaaqideeda taasna waa mid dadweeynaha Somaliyeed oo dhan meel walba ay joogan ku taageeri doonan in ummada Digil iyo Mirifle ay sameystaan ismaamul dawlad goboleed.




(BAYDHABO PRESS)




 
 Respond to this message   
Responses

  • taageero - Mohamed Dini Abukar on Oct 4, 2000
  •  
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2013 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement