Return to Index  

Madaxweynaha KMG Soomaaliyeed Md. Cabdiqaasim oo u diray wafdi dalka Itoobiya.

October 7 2000 at 11:49 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliyeed Md. Cabdiqaasim Salaad oo u diray wafdi dalka Itoobiya.

BAYDHABO 8, 2000(BP)- Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliyeed Md. Cabdiqaasim Salaad ayaa wafdi u diray dalka Itoobiya Wafdigaas oo u hogaaminayay Cabdillaahi Axmed Caddow oo ah la taliyaha arrimaha Siyaasadda madaxweynaha siday ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Qaramadda Midoobay IRIN kalkaaliye ka tirsan xafiiska madaxweynaha.

Waxaa kale oo wafdigaas ka mid ah danjire Yusuf Dheeg, Cumar Xaaji hogaamiye kooxeedka ciidanka Beledweyn oo la sheego in uu yahay nin aad ugu dhow dowlada Itoobiya iyo danjiraha somaalida ee Masar Cabdillahi Xasan.

Lama yaqaan sababta wafdigan ay ugu ambabaxeen Itoobiya iyo dadka ay la kulmi doonaan inta ay halkaasi joogaan waxayse wararku sheegayaan in ay ka shaqeyn doonaan iskuna dayi doonaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayen Dowlada Itoobiya iyo tan CARTA lagu soo dhisay inkasta oo ay dad badan qabaan in ay taasi adagtahay iyada oo waqtigaan hada ah uu shaki soo kala dhexgalay labada maamul waxaana taa laga arki kara in todobaadkaan mar uu Md. Caabdiqaasim la hadlayey Golaha Baarlamaanka uu dhaliilo iyo cambaareynba u soo jeediyay Dowlada Itoobiya, dhinaca Itoobiya ayaan wax jawaab ah ka soo yeerin ilaa iyo hada oo la xiriira dhaliilahaas iyo cambaareynta loo soo jeedshay.




(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement