Return to Index  

Markaan hoosta ka xariiqnay rabitaanka maamul cadaalad ku dhisan ee qawmiyadda D/M oo (50) jirsaday

October 14 2000 at 11:11 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Markaan hoosta ka xariiqnay rabitaanka maamul cadaalad ku dhisan ee qawmiyadda Digil iyo Mirifle iyo dadka ku nool oo (50) jirsaday.


BAYDHABO Oct 14, 2000 (BP)- Hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen kuna qornaayeen Waraaq uu Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu gudbiyay Shirgudoonkii Somaaliyeed ee CARTA taarikhdu markay ahayd 15 kii bishii Julaay sanadka 2000 qormadaas oo hada ka horna ku soo baxday wargeyskan ayaan wax jawaab ah laga siin Dr. Xasan codisgii uu waagaas hordhigay shirkii nabadeynta ee CARTA, hadaba waxaan maanta mar kale idinku soo bandhignay qormadaan si ay ummadda Somaaliyeed inteeda wanaaga jecel uu dareento in maamul goboleedka la rabo in dhawaan laga sameeyo degaannada qowmiyadda Digil iyo Mirifle uu ahaa wax soo jireen ah oo aan shaqo ku lahayn dhisidii dowlada CARTA ama madaxtinimada loo doortay Cabdiqaasim iyo weliba boqashada uu Dr. Xasan haatan kuu joogo dalka Itoobiya.


Waraaq uu Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu gudbiyay Shirgudoonka Somaaliyeed ee CARTA

BAYDHABO July 29, (BP)-Waxaa warqadaan loo gudbiyay taarikhdu markay ahayd 15 kii bishii Julaay Shirgudoonka shirka nabadeynta Somaaliyeed ee Carta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Gelle. Warqadaas oo u ku saxiixnaa guddomiyaha ururka RRA ahna hogaamiyaha ergadda Qowmiyada Digil iyo Mirifle ee Shirka Nabadeynta Somaaliyeed Md. Dr. XASAN MAXAMED NUR [Shaargaduud] waxay ahayd talo soo jeedin la xiriirta Axdiga KMG warqadiina waxay u qornayd sidan:


July 15, 2000



KU: SHIRGUDOONKA SHIRKA NABADEYNTA
SOMAALIYEED EE CARTA DJIBOUTI


Og: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA DJIBOUTI
MUDANE ISMACIIL CUMAR GEELE


UJEEDO: TALO SOO JEEDIN


Anagoo ku hadleyna Magaca Qomiyadda Digil iyo Mirifle iyo hogaanka ururka RRA waxaan mahad u soo jeedinaynaa ummadda Jabuuti iyo Madaxweynahooda oo u heelan iney suurto geliyaan iney u soo celiyaan ummadda Somaaliyeed ee walaalahooda ah sharaf tooda iyo karaamadooda Qaranimo.

Anagoo maanka ku heyna niyadsamida walaa laheena Reer Jabuuti, Tixgelineyna waaqiciga ka jira dalka Somaaliya.

Markaanu fiiriney rabitaanka maamul ee qeybaha bulsha weynta Somaaliyeed sidu u badeley 10 kii sano ee tagay

Markaan tixgeliney rabitaanka Walaalehena Somaaliyeed ee dhisay dowlad gobaleedyada Somali-land iyo Puntland.

Markaan hoosta ka xariiqney rabitaanka maamul cadaalad ku dhisan ee qawmiyadda Digil iyo Mirifle iyo dadka ku nool oo (50) jirsaday, oo in mudo ah ku taahaysey iney ka sameystaan degaanadooda Dowlad goboleed ku dhisan habka (Federal ka) ah.

Anagoo og in diintii, Dhaqankii, afkii iyo walaalnimadii soo jireen ka aheyd aan ku kala badbaadi weyney.

Hadaba waxaan shirgudoonka sharafta leh iyo ergadda Somaaliyeed ee ka qeybgalaysa shirweynaha Carta u soo jeedineynaa arimaha hoos ku xusan oo aan is leenahay ama aaminsanahay iney fududeynayaan soo celinta is jeceyl kii iyo is aaminaadii ummadda Somaaliyeed. Isla markaana ay keento in shirweynaha Carta uu noqdo mid miro dhal ah:


1- In Axdiga ( KMG ) ah hada lagu qeexaa tirada dowlada Federaalka dalka laga sameynayo kuwaas oo ah Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, Gobalada Dhexe iyo Banaadir, iyo Koonfurta Somaaliya.

2- In lagu qeexaa mudada laga baxayo gobolada iyo degmooyinka xooga lagu heysto, damaanad qaadna loo helo fulinta qodobkaan.

3- In lagu cadeeyo Axdiga ( KMG ) ah qaabka ama habka loo qeybsanayo awooda maamulka guud ee dalka.

4- In lagu caddeeya Axdiga ( KMG ) in la soo taago kuwii geystay danbiyada dagaalka Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka.

5- In garsoorka uu ka madax banaanaado awooda madaxweynaha.




MAHADSANID



Signed by




Guddoomiyaha ururka RRA
Ahna hogaamiyaha ergadda Qowmiyadda
Digil iyo Mirifle ee Shirka Nab. Somaaliyeed


Dr. XASAN MAXAMED NUR ( Shaargaduud )



(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement