Xubnaha baarlamaankii lagu dhisay CARTA oo cabasho muujiyay
BAYDHABO 21, 2000(BP)- Qaar ka mid ah Xubnaha baarlamaankii lagu dhisay CARTA ayaa cabasho ka muujiyay xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho.
Xaalada nabadgelyo ee xamar ayaan fiicnayn iyada oo todobaadkan bilowgisina la dilay nin ka mid ahaa taagerayaasha dowlada taaso cabsi ku dhalisay ayaa la yiri in badan oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka.
Waxaa kale oo ay xubnahaas shegeen in ay adag tahay in baarlamaanku uu noqdo mid ay xubnuhu u madax banaan yihiin in ay si xor ah u hadlaan ama ay la xisaabtamaan madaxweynaha cabsi laga qabo maleeshiyada taagerta dowlada awgeed.
(BAYDHABO PRESS)
|