Return to Index  

Beelaha Digil iyo Mirifle oo ku edeeyay Md. Cabdiqaasim Salaad in uu jeebshay axdigii ku meel gaarka

November 4 2000 at 9:51 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Beelaha Digil iyo Mirifle oo ku edeeyay Md. Cabdiqaasim Salaad in uu jeebshay axdigii ku meel gaarka ahaa

BAYDHABO Nov 4, 2000 (BP)- Waxgarad u dhashay Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa baaq ay soo saaren todobaadkan ku sheegay in sida loo soo dhisay golaha wasiirada ee dowladii dhawaanta uu sameeyay Cabdiqaasim in ay tahay khiyaano kale oo lagu sameeyay beelaha Digil iyo Mirifle.

Waxay shegeen in beesha oo aan weli ka qancin sidii loo qeybsaday xubnihii baarlamaanka hadana uu Cabdiqaasim ka galay danbi kale iyo meel ka dhac ka dib markii uu isu dheli tiri waayey golihiisa wasiirada iyada oo axdiga ku meel gaarkuna uu sheegayo in afarta beelood si isle'eg wax loogu qeybiyo.

Waxay shegeen in beelaha Digil iyo Mirifle ay heleen lix wasiir, shan wasiir ku xigeen iyo guddomiyaha baarlamaanka halka ay beesha Hawiye ka heshay sideed wasiir iyo 10 wasiir ku xigeen, madaxweeyne, caasimada iyo guddomiyaha gobolka Banaadir, beesha Daaroodna ay heshay todobo wasiir, kow iyo toban wasiir ku xigeen iyo raiisul wasaare.



(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement