Kooxda CARTA oo qas iyo xasiloonidaro ka wada gobolada Somaaliyeed ee nabada ah.
BAYDHABO Nov 12, 2000 (BP)- Kooxda CARTA ayaa baryahaan danbe caadeysatay qaska iyo iska horimaadka ay isku dayeyso in ay ka dhex abuurto dadka dega gobolada Somaaliyeed ee nabada ah.
Waxaa todobaadkaan lacag loo qeybshay xubnaha golaha wasiirada ee kooxda CARTA si ay ugu adegsadaan iska horkeenka beelaha Somaaliyeed ee wada dhasahy gaar ahaan kuwa ku sugaN gobolada nabada ah sida Puntland, Somaliland iyo gobolada koonfurred ee ay RRA du ka taliso.
Waxaa maalinitii Arbacada ahayd lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO lacag shilin Somaali ah oo dhan ilaa iyo 100 milyan kana timid maamulkii lagu soo dhisay CARTA ee u madaxda ka yahay Cabdiqaasim lacgtaas ayaa waxaa la wareegay maamulka RRA iyada oo dadkii lagu qabtayna maxkamad la soo taagei doono maalinta Talaadada ah.
(BAYDHABO PRESS) |