Return to Index  

Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho oo uu shir uga biloowday dalka Yemen.

November 18 2000 at 9:56 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho oo uu shir uga biloowday dalka Yemen.

BAYDHABO 19, 2000 (BP)- Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa la sheegay in uu maanta shir uga biowday magaalada Sanca ee dalka Yemen ka dib markii ay martiqaad ka heleen Madaxweeynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Salaax.

Hoggaamiye-yaasha shirsan ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan oo kaliya beesha Habargidir waxayna kala yihiin Xuseen Caydiid, Cusmaan Caato iyo Hoggaamiye kooxeedka CARTA Cabdiqaasim.
Waxaa kale oo ay wararku shegeen in Cali Cabdala Salaax Madaxweeynaha dalka Yemen uu ku guul dareystay martiqaad uu u diray maamulada Puntland, Somaliland iyo Maamulka RRA.

(BAYDHABO PRESS)


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement