Hoggaamiye kooxeedka CARTA oo todobaadkan tegey dalka Itoobiya
BAYDHABO 18, 2000 (BP)- Hoggaamiye kooxeedka CARTA Md. Cabdiqaasim Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa maalintii Arbacada ahayd booqasho ku tegay magaalda Adis-ababa ee dalka Itoobiya.
Boqashadaan ayaa waxaa Cabdiqaasim ku weheliyay qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada iyada oo ay wararku shegeen in ay la kulmeen Rais'ul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenaawi oo Cabdiqaasim iyo kooxdiisa faray in ay la kulmaan heshiisna la gaaran maamulada ka jira Somaaliya.
Warar aan ka helnay Itoobiya ayaa sheegay in ay kooxda Cabdiqaasim si aad iyo aad ah ugu dadaashay sidii ay u kasban lahayd kalsoonida dowlada Itoobiya inkasta oo aysan wax natiijo ah oo la taaban karo aysan ka gaarin arintaas, waxaa kale oo ay wararku shegeen in dowlada Itoobiya ay fahamsantahay in maamulka Cabdiqaasim uu ku kooban yahay qeyb ka mid ah xamar inkasta oo qoraaga IRIN Cabdiqaasim walaalkiis uu todobaadkan isku deyay in uu kooxda Cabdiqaasim ka dhigo kooxda ugu awooda badan Somaaliya Itoobiyana uu faray in ay maslaxadeeda ku jirto in ay la heshiiso kooxda CARTA ee uu walaalkiis madaxda ka yahay.
(BAYDHABO PRESS)
|