Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo wafdi uu hogaaminayo oo maantay u dhoofay dalka Libiya
BAYDHABO Dec 1, 2000 (BP)- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo guddomiyaha RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa saakay subaxnimadii hore u ambabaxay dalka Libiya iyaga oo martiqaad ka helay hogaamiyaha dalkaas Col: Mucamar Al-qadaafi.
Xubnaha wafdigaas oo ka koobnaa dhowr iyo toban ayaa waxaa ka mid ahaa Md. Dr. Maxamed Cali Xaamud, Md. Aden Maxamed Nur [Saransoor] guddomiyihii hore ee gobolka Bakool iyo saraakiil sare oo ka tirsan guddiga fulinta ee ururka RRA.
Wafdiga ayaa sii raacay diyaarad khaas ah oo uu u soo diray Madaxweeynaha Libiya Col: Mucamar al-Qadaafi iyada oo dalka Libiya ay waqtigan ku suganyihiin Madaxweeynaha Puntland Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo Hogaamiyaha Kooxda CARTA Md. Cabdiqaasim Salaad.
(BAYDHABO PRESS) |