Guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aadan Qalinle ayaa maanta salaada jimcaha kala qeybgalay.
BAYDHABO Dec 22, 2000 (BP)-Guddomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aadan Qalinle ayaa maanta salaada jimcaha kala qeybgalay Muslimiin aad u tira badan masaajidka dabaqeynka ee magaalada BAYDHABO.
Guddomiyaha gobolka Md. Qalinle ayaa dadkii masaajidka ku tukadey waxaa uu u sheegay in la iska ilaaliyo kuwa ku been abuuranaya Diinta iyagoo leh Diin baan fidineynaa balse ay yihiin kuwo fulinaya dano siyaasadeed.
Guddomiyaha mar uu ka hadlayey dhinaca Beeraha waxaa uu sheegay in la arkayo beryahaan danbe shimbiro raxan raxan u duulaya oo laga yaabo iney wax u dhimaan dalaga beeraha wakhtigan, waxaana loo baahan yahay ayuu yiri in la iska kaashado sidii looga hor tagi lahaa shimbirahaas.
(BAYDHABO PRESS)
|