Return to Index  

Maxkamada badbaadada degmada Diinsoor ayaa 10 kii Bishan waxay guda gashay qaadistii kiis dil ahaa

December 23 2000 at 12:41 AM
BAYDHABO PRESS 

 

Maxkamada badbaadada gobolka Bay, degmada Diinsoor ayaa 10 kii Bishan waxay guda gashay qaadistii kiis dil ahaa.

BAYDHABO Dec 22, 2000 (BP)- Maxkamada badbaadada gobolka Bay degmadiisa Diinsoor ayaa 10 kii Bishan waxay guda gashay qaadistii kiiskii dilka ahaa ee loo geystay Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Yusuf oo ahaa Imaamka Masaajidka Xaafada Waaberi..

Xaakimiinta Maxkamada ayaa ka koobnaa 2. Garsoore iyo 1. Guddoomiye Maxkamadeed waxeyna kala ahaayeen sida hoos ku qoran.

1- Sheekh Abuukar Sheekh Maxamed Nuur oo ah Guddomiyaha Maxkamadda
2- Gaashaanle Sare C/wahaab Ibraahim Xuseen ( Garsoore )
3- Sheekh Maxamed Dhure Sh. Xasan ( Garsoore )

Maxkamaddu waxey furantay 8.00 Subaxnimo 10 kii Bishan Disember ee 2000 iyadoo uu xeer ilaaliye ka ahaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Ururka RRA Dr. Cali Iimaan Aadan, markii gacan ku dhiigle Maxamed Siidow Maxamed oo 30 jir ah la hor keenay maxkamadda horteeda ayaa waxaa uu qirtey in lix toorey uu ku dhuftay marxuum Sh. C/qaadir Sh. Maxamed Yusuf 6-dii Bishan Disember sanadka 2000 saacadu markay ahayd 12-kii subaxnimo isagoo fadhiya mimbarka Masaajidka dhexdiisa isla goobtaasna uu ku geeriyooday.

Xeer ilaaliyaha guud isagoo cuskanaya qodobka 3aad xubintiisa 1aad sharciga 25/8/98 ee Ururka RRA iyo qodabka 434 aad xeerka habka ciqaabta Somaaliyeed ayaa gebagebadii dooda xeer ilaaliyaha Maxkamadda waxaa uu ka codsaday in dil lagu xukumo Gacan ku dhiigle Maxamed Sidow Maxamed.

Marqaatiga la hayey ayaa waxaa ka mid ahaa:
1- Tooreydii uu faldambiyeedka ku geystay
2- Aadan Macallin Maxamed
3- Ibraahim Macllin Nuur

Maxkamadu waxey guda gashay shirkii go'aan ka gaarista saacado ka dibna waxey dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane Maxamed Siidow Maxamed.



(BAYDHABO PRESS)


    
This message has been edited by moalen on Dec 23, 2000 12:43 AM
This message has been edited by moalen on Dec 23, 2000 12:42 AM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement