QORAYAASHA SOOMAALIYEED IYO YAA U KALA GARQAADA QOWMIYADDA DIGIL& MIRIFLE
_______________________________ * ____________________________________
TO: ARLADI NET, MAYMAAYWEB, BAYDHABO PRESS, HIIRAANWEB, & A/RAHMAAN XOOSH
-------------------------------------------------------------------
Salaan kadib
Inkastoo aan u dhalanin qawmiyadda D&Mirifle,hadana wax iga Celin karo majiraan inaan u kal garqaado qorayaasha soomaaliyeed & Q.D&M. Waliba qoraha A/rahman xoosh gaar-ahaan oo wax ka qoray qawmiyadda D&M. Iyo qadiyadooda taariikheed kow iyo Jabhadda RRA iyo hogaankooda SHAARGADUD.
Anigoon rabin inaan difaaco nimaan difaac u baahnayn & jabhad ujeedadeeda Qarsoonayn darteed ayaa waxaan rabaa keliya inaan maqaalkii XOOSH kusoo Qaatay Arinta ah in digil & Mirifle kadib markii ay dibada ka arkeen in Uu jiro nidaam FEDERAL ayay hadda bilaabeen inay la bood boodaan FEDERAL Baan rabnaa,Sababtuna ay tahay keliya baahida loo qabo in wax walba runta Laga sheego , sheywalibana aan loogu yeerin magacuusan lahayn iyo ayadoo Aan rabo in qadiyadani ay noqoto miisaankii ugu horeeyey ee loogu kala Garqaado qorayaasha aan xishooneyn & qowmiyada D & M .
Waxaa kaloon cadeynayaa inaan qaymo weyn iigu fadhin inaan eedeyn ula bar eero qorayaasha qaarkii ee aan nasiibka ku lahayn qorista xaqiiqda iyo Qiimeynta ammaanada Qalinka, sida walaalkeena XOOSH,maxaa yeelay waxaan Hubaa inaanu qof waliba aanu ka badin karin inuu soo qoro in ka fiican Qiyaasta aqoontiisa & qiimaha caqligiisa.
Waxaan INA SANWEYNE inaan noqdo tusid iyo tusaaleba aan umada soomaliyed Iyo qorayaasheena aan ugu soo qaato barnaamij socday muddo sadex bilood Ah ee looga hadlaayey Taariikhdii hore ee soomaaliya gaar ahaana koonfur Soomaaliya oo lagu marti qaaday Mr.Ahmed-rashiid sheikh oo ah Qoraa soomaaliyeed , laga soo daayey qaybtiisii hore TV-ga caanka ah ROGERS Ottawa Ee CANADA bisha Oct,22,24,26,1999 iyo Nov.4, 17, 1999 waxaana lagu wada martiqaday dhammaan waxgaradka soomaaliyeed ee N/america,waxaana uu Tv-ga ugu dan lahaa in soomaalida ay barato taariikhdeeda runta sax iyo- Khalad runteeda & been abuurkeeda si aan mustaqbalka soo socoda u dhicin Wixii dhacay oo kale, waxaa kale oo lagu martiqaaday taageerayaasha 2dii Xisbi ee ka jiray Koonfurta soomaliya ka hor 1960 intaan xuriyada qaadan Soomaliya LEEGO & XISBIYO.
Barnaamijkaasi oo daawashadiisa aan u wada sinayn aniga Mr.A/rahman xoosh Iyo dhammaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Kanada, iyo intii kale ee- Kala socotay internet-kaba,waxaa lagu bilaabay wareysi gii Mr.Ahmed oo- Markii aan wareystay la ii sheegay inuu yahay Rer BAYDHABO,waxaan wax ka Ogonaanay aniga & in badan oo iga faaideysatay Barnaamijkaas in badan oo Aan ka maqli jiray Adeerkeyga iyo abtigeyga oo kawada tirsanaa LEEGO iyo- In badan oo aan ka maqli jiray D& M.ama Xisbigoodii XISBIYO inay ahaayeen
Been abuur waxaana kamid ah :
1-XISBIYO inaanay ahayn XURIYA diid ee ay ahaayeen XUQUUQ udood Iyo CADAALAD raadis keliya
2-XISBIYO inaanay rabin Kala FURFURID & FARIQID soomaaliya ee ay Rabeen FEDERAL Soomaliyeed oo caadil u ah UMMAD walboo QABALI ah & QARAN- Kastoo horumay intaba.
3-XISBIYO inay ka aragti dheeraayeen kana aqoon badnaayeen Isba- haysigeenii LEEGADA,ayadoo wax maanta qofwalboo waxgarad ah waxaa uu xalka Soomaaliyeed u arko oo ah FEDERAL ay ogaayeen 50-sano ka hor darteed.
4- XISBIYO & ehelkeeda ciribtirkooda dhaqameed, dhuleed , dhaqaa leedba inay isu kaashadeen badi LEEGO dadkeeda. waxaana daliil ku filan Ah Taariikhihii, Doc.yaddii , warqadihii rasmiga wada ahaa ,Doc.yadii ay XISBIYO kusoo wada bandhigtay Barnaamijkeda FEDERALKA soomaaliyo oo kuwada Taariikheysnaa intii u dhaxeysay 1940 - 1959, sida
A-Barnaamijkii FEDERALKA ee JEYLANI SHEIKH BINU SHEIKH gudoomiyi hii XISBIYO uu usoo bandhigay ummada soomaaliyeed March,25,1957.
B-Jawaab bixintii XAAJI CABDULAHI MURSAL oo ahaa madaxii XISBIYO Ee u diray ADAN ABDULAHI OSMAN (Adan Cade)oo isna ahaa G/kuxigeenkii LEEGO Eedeyntii uu u jeediyay Madaxda XISBIYO iyo barnaamijkooda FEDERALKA oo- Ku tilmaamay inay yihiin kuwo raba inay wadanka kala qaybiyaan,asagoo ka Hadlaayo xafladii 15-guuradii kasoo wareegatay Asaskii Xisbigii LEEGADA.
C-DOC.gii ay madaxdii XISBIYO u gudbiyeen wafdigii U.N-ka ka soc day Ee booqashada ku tagay muqdisho OCT 4,1951-ee kusaabsanaa in XISBIYO Ay aaminsan tahay in soomaaliya dawladnimadeeda ay u rahman tahay hadba
Mabda a ay qaadan doonto sidaa darteena ay u rabaan in la qaato BARNAAMIJ Sharafeedka ay wataan ee ah FEDERALKA soomaaliya
D-dilkii Mr.OSMAAN MOHAMED HUSSEIN oo Kamid ahaa Madaxdii ugu Weynayd ee XISBIYO May 1952-dii oo loo dilay si uusan U.N.ka uga soo jee dinin Aragtidiisa FEDERALKA ,asagoo ku jiray Madaxdii soomaaliyeed ee ay
U.N-tu ku martiqaaday inay barnaamijyadooda usoo gudbiyaan iyo khudbadii.
Mr.ABDULKADIR MOHAMED ADAN (zoobe) uu U.N.ta ka soo jeediyay asagoo ku- Hadlaya Magaca alla ha u naxariistee Marxuum OSMAN MOHAMED HUSSEIN Bishi
Dec, 1952-dii Iyo waxaa kale uu soo qaatay Baabiintii Barnaamijyadii afka Maay_maayga ee sida rasmiga ah dalka looga aqoonsanaa,kana bixi jiray Raadiyaha MUQDISHO sida afka MAXAATIRIGABA uga bixi jiray , asagoo Carabka ku dhuftay magacyadii qaar kamid ahaa wariyayaashii iyo faniyiintii- Qaybta Maay-Maayga sida IBRAAHIM BOOLIS , MUSDHAF SHEEKH, FAASHI FARYAAMO Iyo kuwo kale.
Sida darteed Maadaama sidaan horeyba aan usoo sheegay Barnamij Kaasi isku si u wada daawanay aniga iyo A/raxmaan xoosh, oo aqoontiisa & Khibradiisa u ogolaan weysay inuu qaybtiisa ka qaato doodaas u furnayd
Qofkastoo wax isbida xitaa wariyuhu uu yiri xitaa waxaan rabnaa inuu nala Soo xarriiro qofkastoo qaba arin ka duwan waxaa uu AHMED sheegay amabase
Beenin kara , hadii uu maanta soo qoray in D& Mirifle maanta keliya ay la Boodboodayaan FEDERAL kadib markay meelaha ka arkeen , waxaan cidkastoo Sharafleh ee soomaliyeed aan weydiinayaa Ayadoo aan dib ugu noqoneyno oo Aan isha la raaceyno wakhtigii ay D& Mirifle u doodi jireen mabda'a FEDE_ RAALIGA , YAA U KALA GARQAADAAYO QORAYAASHA SOOMAALIYEED IYO QOWMIYADA DIGIL & MIRIFLE.
W.Q. ABDI ADAN CANSHUUR
TORONTO
E-MAIL; canshuur@hotmai.com
This message has been edited by moalen on Dec 24, 2000 2:57 PM This message has been edited by moalen on Dec 24, 2000 2:51 PM This message has been edited by moalen on Dec 24, 2000 2:48 PM
|
|