Qoysas tira badan oo todobaadkan laga soo baro kiciyey degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose
BAYDHABO Dec 30, 2000 (BP)- Magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo gaaray qoysas faro badan oo gaaraya ilaa 35 qoys oo laga soo baro kiciyey degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dadkaasi oo u badan beerlay ayaa waxay sheegeen in beerahoodii iyo guyahoodiiba ay ka boobeen dad aan deegaanka u dhalan oo la dejinayo halkaas.
Mileeshiyada isku magacowday 'Maxkamada Islaamiga' ayaa la sheegay in ay uu kaalmeynayso dadka xooga deegaanka ku soo degay iyadoo dadkii deegaanka u dhashay lagu hayo silic iyo cadaadis joogto ah.
Dhinaca kale waxa magaalada Baydhabo ku soo qulqulayey dad aad u faro badan oo ka soo qaxay Muqdisho. Dadkaasi oo in mudo ah ku noolaa magaalada Muqdisho tan iyo intii dagaaladu bilawdeen 1991, ayaa waxa la sheegay in ay doorbideen inay dib ugu laabtaan deegaanadooda ka dib markii xaalada nabadgelyada ee magaalada Muqdisho ka soo dartay tan iyo intii lagu dhawaaqay DKMG. Dadka magaalada Baydhabo ku nool oo la sheegay in ay kor u dhaafeen 200,000 kun qaxooti fara badana ay ku soo ququlayaan aya waxaa adkaan doona aya la yiri in loo helo adeegyada ay u baahnyihiin.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Dec 31, 2000 12:31 AM
|
|