Federaalism in la qaato waa xalka keliya ee furan Ummadda Somaaliyeed si loo helo dowlad
Walaal,
Aad baan ooga calool xumaaday xasuuqa iyo shidada loo geesanayo sannadka 2001 dadka iyo dhulka Digil iyo Mirifle ee Shabeelaha Hoose.
Kuwa dembiyadaas geesanayo waxaa looga badbaadi karaa oo keliya ayadoo Soomaaliya oo idil laga dhaqan geliyo maamul Federalism ama Dowladd Goboleed.
Waxaa shaki ku jirin in RRA iyo guddoomiyaheeda sharafta badan Dr. Xasan Maxamed Nur ( Shaatigaduud ) iyo dhammaan Qowmiyadda Digil iyo Mirifle oo ah dad nabadda jecel ahna muwaadaniinta ugu fiican Soomaaliya ay xal deg deg ahi u heli doonaan si loo dhameeyo howsha xoreynta dhulalka xoogga lagu heesto si loo dhiso mustaqbalka Dowlad Soomaaliyeed oo ah Federaal ah.
Salaan diirran.
Abdirashiid Axmed Cegaag
Wakiilka Dowlad Goboleedka Puntland ee Sweden
This message has been edited by moalen on Jan 2, 2001 10:23 PM
|
|