Return to Index  

Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo iyo degaanada uu ka taliyo maamulka RRA

January 3 2001 at 10:57 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo iyo degaanada uu ka taliyo maamulka RRA

BAYDHABO Jan 4, 2001 (BP)- Magaalada Baydhabo iyo gobolada uu maamulo Ururka RRA oo todobaadkan laga jaray isgaarsinta ayaa la filayaa in dhawaan dib loo furo, sababtii loo xiray khadadka isgaarsiinta ee lagula xiriiri jiray gobolada uu maamulo Ururka RRA ayaan ila hada la garanyn, madaxda maamulka RRA duna wax jawaab ah kama aysan bixin ila iyo hada.

Waxaa haatan jira diyaar garow ciddan oo aad u xogan oo laga darameyo dhamaan gobolada uu maamulo Ururka RRA, diyaar garowgaan ciiddan ayay wararku shegayaan in uu ka danbeeyay qarameeyntii ay kooxda CARTA sheegtay in ay qarameysay garoonka Ball-idogle iyo faragelin toos ah oo kooxda CARTA ay ku sameysay degaanada uu maamulo Ururka RRA.

Faragelinta kooxda CARTA oo taageero hub iyo mid dhaqaale ka hesha dalal Carbeed iyo diyaar garowga ciidamada RRA ay ku doonayaan in ay kaga xoreyaan maleshiyada xooga ku haysata gobolka Shabeelaha Hoose ayaa laga cabsi qabaa in uu keeno dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca Somaaliya.

Maalintii shalay ayaa waxaa ay ciddamada RRA ee degaanka Baraawe ay gacanta ku dhigeen 5 ka mid ah koox ka kooban 25 oo horay uga tirsanaan jiray ciidanka RRA oo gacan saar la yeeshay ayaa la yiri kooxda CARTA, 5tii la soo qabtay ayaa la dhigay xabsi ku yaal magaalada Baydhabo oo ay ku sugayaan maxkamad, iyada oo intii kalena la sheegay in ay u gudbeen dhinaca Marka oo ay ka taliso kooxda CARTA.

Dhinaca kale warar xog ogaal ah oo naga soo gaaray xubno ka tirsan baarlamaanka kooxda CARTA oo u dhasahay beelaha Digil iyo Mirifle ayaa noo sheegay in maalinta khamista ah ay tegi doonaan degmada Daafeed oo uu ku yaalo garoonka Balli-dogle ka dib markii ay dadka ku nool degaanka Daafeed ay muujiyeen kacdoon iyo sida ay uga xunyihiin in dhulkooda loo qarameeyo oo la siiyo dad aan u dhalan degaanka.



(BAYDHABO PRESS)


    
This message has been edited by moalen on Jan 3, 2001 11:03 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement