Guddomiyaha Baarlamaanka kooxda CARTA oo dagaal ku qaadi raba degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool
BAYDHABO Jan 4, 2001 (BP)- Maleeshiya u dhalatay beesha Habargidir oo aad u hubeysan oo gaaraysa qiyaastii 300 boqol oo la sheegay in ay wateen 37 baaburta loo yaqaano Tikniko uuna hogaaminayo Guddomiyaha Baarlamaanka Kooxda CARTA Mr. C/lla Deerow Isaaq ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyaga oo sii marayay garoonka Balli-dogle kuna sii jeeda degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool.
Dagaalkan cusub ee uu soo qaadi rabo C/lla Deerow Isaaq ayaa la sheegay in ay ku diideen xubno ka tirsan baarlamaanka Kooxda CARTA oo u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle oo noo sheegay in C/lla Deerow Isaaq iyo C/qaasim Salaad hoggaamiyaha Kooxda CARTA ay labaduba heshiis ku yihiin arintaan, C/lla Deerow waxaa dagaalkan ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirada kooxda CARTA oo ay ka mid yihiin Sayid Axmed , Kalay iyo kuwo kale.
Dagaalka uu soo qaadi rabo C/lla Deerow Isaaq oo ah gudomiyaha baarlamaanka Kooxda CARTA ayaa la sheegay in uu noqon doono dagaalkii ugu horeyay oo nin shegaanaya guddomiye baarlamaan uu ku qaado degaanka uu ka soo jeedo, taas oo cadeynaysa ayaa layiri in C/lla Deerow Isaaq uu san heysan kalsoonida dadka u dhashay degaankaas oo markii horeba aan iyagu dooran.
(BAYDHABO PRESS)
|