Return to Index  

Cambaareyn Weerarkii Hubaysnaa Maleyshiyada C/qaasim ee Degmada Tijeeglow Gobolka Bakool.

January 7 2001 at 12:15 AM
BAYDHABO PRESS 

 

To: BAYDHABO PRESS, Riverineland Web , Maymaay Web. ArladiNet. Arlaadi.com

Ujeedo: Cambaareyn Weerarkii Hubaysnaa Maleyshiyada C/qaasim ee Degmada Tijeeglow Gobolka Bakool.

OTTAWA Jan 6, 2001 (BP)-Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Gudoonka Qowmiyada Digil iyo Mirifle ee North Amerika, oo lagu qabtay Magaalada Ottawa ee dalka Canada, Janaayo 06, 2001, ayagoo matalayaan dhamaan Qawmiyada D&M ee ku nool dalka Somaaliya dibadiisa.

Waxay canbaareenayaan weerarkii hubaysnaa ee ay ku qaaday maleyshiyada C/qaasim Salad Hassan Degmada Tijeegloow ee ka tirsan gobolka Bakool.

Dagaalkaas hubeysnaa ee gardarada ah wuxuu markhaati cad u yahay oo keliya ujeedada awood balaarsiga militeri uu C/qaasim ku damac san yahay inuu ku gumeysto Qowmiyada Digil iyo Mirifle.

Sidoo kale Gudoonku wuxuu cambaareyn u soo jeediyay dawladaha gacan ka geysta, deeqdana siiya Burcadda C/qaasim Salad, si loo xasuuqo, loona barakiciyo ummadda nabada jecel ee D&M. Ayagoo isla markaasna ugu baaqay in dadka D&M ee tageersan kooxda Carta aanay noqon kuwo loo adeegsado burburka , barakicinta & daadinta dhiigga walaalohooda.



GUDOONKA DIGIL & MIRIFLE EE
WAQOOYIGA AMERIKA(N/America)
DR. HASAN HAJI ABUKAR




(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement