Waxaa markasto sharaf weyn ii ah inaan uga mahadceliyo dadka soomaliyeed oo marwalbo daacada ey ka tahey xal u helida dhibaatda ku habsatey umada soomliyeed. Anigoo aaminsan go'aan ki taariqiga ahaa iyo wareysigii uu siiyey Dr Hassan Mohamed Nuur(Shaargaduud) idaacadaha aduunka oo ku xaqiijiyey ulujeedaiisa dhabta ah ee ku raadinayo horukac bulsho weynta soomaliyeed(Haddi Ey bulsho mudan tahey horumar waxaa mudan bulshada Digil iyo Mirifle). Waxaan rajeyneyaa in soomalidu ey mar garan doonto qiimaha nolosha baniaadmiga ey ku fadhiso iyadoo aan loo eegeyn dhib katalinteeda bal loo fiirinaayo nabad jeceelkeeda, wadanoolshaheeda iyo diin jeceelkeeda. Taasina waxaan ka rajeyn doonaa kuwa maanta isu heest iney yihiin dowlad soomaliyeed is lamrkaasna ku takri filaya hanti iyo dhul nimeed, waxaana layaab mudan kuwa maalmahan dambe caadeestey iney lacagaha been abuurka ah ey dalka soo gelshaan islamarkaasna usoo diro dibadaha si banaabax looga abuuro, laguna dhaleeceyo wadmada dariska aanahey, hadii aan nahey bulshada soomaliyeed ee nabad jecel walina xishoodka ku dambeeyo, baadigoobna ugu jiro degenaanta dhulkeeni hooyo aamisana in lagu gaari karo madax banaani oo uu qofkasto dhulkiisa u yeesho ayaan waaan taagero HIIL IYO HOO BA leh u garb taaganahey shirkan aan caadiga aheyn eey yeelaneeso bulshada dagta inta u dhaxeeso labada wabi amaba dhulka ugu baaxad weyn ee soomaali dagto. Waxaan idiin rajeyneyaa guul iyo inaad noqotaan kuwi u horseedo nabada bulshada D/M iyo dhamaan umada soomaliyeed ee dulman. Waxan markale tahniyad u dirayaa geesiga taariqiga ah ee Soomaliyeed Dr Hassan Mohamed Nur(Shaarguduud), waxaana kadhowr sugeynaa natiijada kasoo baxda shirkan.
Wabilaahi Towfiiq
Bahda nabad jecel ee Mudulood
Abdullahi Haji Ahmed |