Return to Index  

DALALKA IYO DIPLOMAASIYIINTA DANEEYA ARIMAHA SOMAALIYA OO DHIIRI GELINAYA DHISMAHA DOWLAD GOBOLEEDKA

February 24 2001 at 2:54 PM
BAYDHABO PRESS 

 

DALALKA IYO DIPLOMAASIYIINTA DANEEYA ARIMAHA SOMAALIYA OO DHIIRI GELINAYA DHISMAHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR/GALBEED SOMAALIYA


Nairobi Feb 24, 2001 (BP)- Dalalka iyo Diplomaasiyinta daneeya arimaha Somaaliya ayaa sheegay in ay taageer- sanyihiin loona baahanyahay in la soo dedejiyo dhismaha iyo ku dhawaaqista Dowlad goboleed loo sameeyo gobolada Koonfureed ee Somaaliya.

Waxay kale oo shegeen in dhismaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya oo ka kooban gobolada kala ah Bay, Bakool, Gedo, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Shabelaha Hoose ay aad muhim u tahay soona dedejin doonto xal kama danbays ah iyo in la helo Dowlad loo wada dhanyahay oo Somaaliyeed, isla markaana ay ku dhiiri gelindoonto beelaha Hawiye ee dega goblada Dhexe iyo Banaadir in ay Sameystaan Dowlad goboled si loo helo Dowlad Somaaliyeed oo aan cidna xaqeeda lagu duudsiyin oo FEDERAL AH.

Dhinaca kale mid ka mid ah Diplomaasiyiinta reer galbeedka oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay "in uu ku faraxsanyahy in laga soo dhiso magaalada Baydhabo Dowlad ay dadyowga degaankaasi degan ay soo dhistaan una madax banaanyihiin, waxaan ogahay ayuu yiri in ay waqti aad u horeeyay oo ka horeysay xornimadii Somaaliya ay ku taami jireen in Dowlada Somaaliyeed lagu dhiso habka Federaalismka ah, taasina ay maanta ku dhawdahay in ay xaqiiqo noqoto, waana aan ku taageri doona wixii ay Dowladaasi naga soo dalbato oo mucaawino ah".


(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement