Hogaamiye kooxeedka Xuseen Caydiid oo loo diyaarinayo in uu noqdo wasiirka Maaliyada kooxda Carta
MUQDISHO March 6, 2001 (BP)- Hogaamiye kooxeedka Xuseen Caydiid ayaa la sheegay in loo diyaarinayo in uu qabto jagada wasirka Maaliyada ee kooxda Carta, jagadaas oo hada uu hayo Sayid Axmed oo u dhashay Beelaha Digil iyo Mirifle. Arintan ayaa hadii ay u dhacdo sida lagu wado waxay noqon doontaa markii labaad oo wasiir ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle booska laga qaado.
Warku wuxuu kalo sheegay in ay arintan ku timid markii uu Xuseen Caydiid oo aan wax awood ah lahayn sida la sheegay u bilaabay in uu xiriir la sameysto Dowlada Itoobiya, Kooxda Cartana ay dadaal u gashay sidii ay uga hortagi lahayd xiriir dhexmara Xuseen Caydiid iyo Itoobiya iyada oo todobaadkaan shir ay qaateen Odayaasha Sacad ay ku go'aamiyeen in Hogaamiye kooxeedyada kala ah Cusmaan Caato iyo Xuseen Caydiid lagu cadaadiyo sidii ay ugu soo biri lahaayeen kooxda Carta.
(BAYDHABO PRESS)
|