Ciidan dhan 1500 oo lagu soo tababaray dalka Sudan oo soo gaaray gobolka Shabeelaha Hoose
MARKA March 6, 2001 (BP)- Ciidamo la sheegay in ay gaarayaan 1500 oo lagu soo tababaray dalka Sudan ayaa soo gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadaas oo ah kuwa Maxkamada Islaamiga ee koonfurta Muqdisho kana soo jeeda beesha Cayr ee C/qaasim Salaad ayaa soo dhamaystay tababar askarinimo oo dhowr bilood ah oo ay ku soo qaateen gobol aan la sheegin oo ku yaaal dalka Sudaan.
(BAYDHABO PRESS)
|