Return to Index  

Maliishiyada Hoggaamiye Kooxeedka Muqdisho Xaaji Muuse Suudi oo la Faray Heegan Adag

March 12 2001 at 1:57 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Midnimo Information Center

Maliishiyada Xaaji Muuse Suudi oo la Faray Heegan Adag

mic-12-03-2001, Maliishiyada Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa Maanta la faray in ay galaan heegan adag oo la xiriira difaaca goobaha ay gacanta ku haystaan, kadib markii Maanta Maliishiyada iyo Booliska dowladda KMG ah ay xoog ku qabsadeen Degmada Shingaani iyo qaybo ka mid ah Xaafadda Cabdulcasiis ee Magaalada Muqdisho.

Teknikooyinka uu saaran yahay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la saaray dusha sare ee buuraha ku teedsan xaafadaha Kaaraan iyadoo Madaafiicda iyo Hoobiyayaalna lagu sii jiidayey goobihii lagu tuuri jirey xilligii uu socday dagaalkii afarta bilood ee Xamar ku dhex maray Taageerayaasha Cali Mahdi iyo kuwa Caydiid sanadkii 1991-kii, sidoo kalena dadka ku nool Xaafadahaas ayaa la siisay talooyin xagga difaaca ah si ay u yaraato waxyeello ka soogaarta haddii uu dagaal dhaco.

" Haddii ay isku dayaan in ay isku fidiyaan xaggeyna waxaan siin doonaa cashar la mid ah kii aan 1991-kii ku siinnay Kaawooyinka Keysaney isla Maliishiyada Cabdiqaasim oo xilligaas u adeegeysay Walaalkiis Caydiid " ayuu yiri mid ka mid ah taliyayaasha Maliishiyo ee Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, oo ka codsaday Waalidiinta iyo ehellada Booliska iyo Maliishiya uu Cabdiqaasim ku soo deynayo deegaannada uusan laheyn inay ka ceshadaan haddii kale ay lafahooda haaddu ku feenan doonto Kaawooyinka dhexdooda.

Dhanka kale Maliishiyada Beesha Muddullood ee ku xareysan xaruntii Gaadiidka Booliska ayaa walaac weyn ka miijiyey Maliishiyada Koonfurta Muqdisho ee ku soo dhawaatay xaruntooda waxaaana durba abuurmay shaki ku saabsan qorshe kale,waxayna taliyayaasha Maliishiyo ee gaadiidka booliska ku doodayaan in Cabdi Qaybdiid uu ka howlgeli karin xaafadda uu deggan yahay oo ay Ummadda ku dhibaan xitaa qaar ka tirsan Ilaaladiisa,waxayna ku eedeeyeen in uu toobbiyahiisa howlgallada uu had iyo goor ku soo abbaaro Waqooyiga Muqdisho.

Isla Maanta Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Cali Ugaas Cabdulle,Duqa Magaalada Cabdullaahi Muuse Xuseen iyo Taliyaha Booliska gobolka Cabdi Xasan Cawaale ayaa warbixin ku saabsan dagaalkii Maanta siiyey Madaxweynaha.


Maxamed Muxiyaddiin Cali
Muqdisho-Soomaaliya

Source: (www.midnimo.com)



    
This message has been edited by moalen on Mar 12, 2001 1:59 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement